HomeUncategorized

Magaalada Beledxaawo oo saaka degan kadib dagaal shalay ka dhacay (Dhegayso)

Beledxaawo, Axad Nov 25 2012, Waxaa saaka xaalad defganaansho ah laga dareemayaa magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo kadib markii shalay halkaasi dagaalo ku dhexmareen ciidamada Dawlada, iyo Ahlusuna oo isku dhinac ah & Kooxda Al-shabaab oo kasoo horjeedda.

DHEGEYSO-Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Puntland oo lashaaciyey.
Mudane ka tirsan golaha deegaanka Galkacyo oo aan ka waraysanay wada-xaajoodka nabadeed ee Galkacyo .
Baahin: Khamiis, Apr 26, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Wasaarada kalluumaysiga ee Puntland oo barnaamij horumarineed oo kalluumaysi ka fulinaysa Eyl; Duqa degmada Isku-shuban oo is-casilay; Xukuumada federaalka oo ka shirtay dastuurka qabyada ah ee dawlada federaalka; Warbixin ku saabsan safarka duqa magaalada Galkacyo ee wadamada Scandinavia.

Beledxaawo, Axad Nov 2012, Waxaa saaka xaalad defganaansho ah laga dareemayaa magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo kadib markii shalay halkaasi dagaalo ku dhexmareen ciidamada Dawlada, iyo Ahlusuna oo isku dhinac ah & Kooxda Al-shabaab oo kasoo horjeedda.

Subaxnimadii hore ee saaka waxaa gudaha magaalada Beledxaawo lagu arkay ciidamo tirabadan oo isugu jira kuwo Soomaali ah iyo Ethiopian kasoo kici timay degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ku yaala Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Maxamed Aadan Boolis oo ah Wariye madaxbanaan oo kusugan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa Radio Daljir u sheegay in magaaladu saaka tahay mid degan islamarkaana ay kusugan yihiin ciidamo tirabadan oo ka yimid dhinaca Doolow.

Wuxuu sheegay magaaladu saaka inay xiran yihiin inta badan ganacsifii magaalada kadib markii ay shalay ka carareen dagaalka dadkii deegaankaasi ku sugnaa.

Kooxda Al-shabaab ayaa shalay weerar kusoo qaaday deegaanka Beledxaawo ee gobolka Gedo iyadoo gudaha u gashay qaybo kamid ah magaaladaasi hase ahaatee waxaan u suurta gelin inay kusii jiraan ama ay la wareegaan gacan ku haynta degmadaasi kadib markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidamada Dawlada Soomaaliya & Ahlusuna Waljameeca oo is garabsanaya.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(B)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: