HomeUncategorized

Puntland oo qabatay hub iyo miinooyin laga soo dejiyey xeebaha gobolka Bari (Dhegayso)

Boosaaso Oct 18- Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland oo kaashanaya ciidanka amaanka ee gobolka Bari ayaa maanta gacanta ku dhigay Hub aad u tira badan

“Kampala waxaa ka socda gorgortan …hoggaanka baarlamaanku ma aha hoggaan daacad u ah dalka & dadka” R/wasaare Farmaajo.
EU oo ka shiraya habka loo gacan qaban karo dalalka taageerada u baahan oo ay Soomaaliya ku jirto
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo CC Geeddi.

?

Boosaaso Oct 18- Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland oo kaashanaya ciidanka amaanka ee gobolka Bari ayaa maanta gacanta ku dhigay Hub aad u tira badan oo isugu jira Madaafiic iyo Waxyaabaha qarxa oo si dhuumaalaysi ah looga soo dejiyey deegaanka lagu magacaabo Fooriga oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.
?
Hubkan oo la sheegay inay kujiraan Madaafiicda Lidka Taangiyada iyo Miinooyin ayaa la sheegay in Xeebta Qandala ay kasoo dejisey Doon ay dadka deegaanku Sheegeen inay wateen niman Cadaan ah oo Carab loo maleeyey sida ay sheegeen maamulka gobolka Bari iyo taliska ciidanka Bada Puntland.
?
Taliska ciidanka Bada Puntland iyo maamulka gobolka Bari ayaa caawa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Boosaaso kusoo bandhigay hubkani lasoo qabtay.
?
Taliyaha ciidanka bada Puntland Admiral C/risaaq Nuur Faarax ayaa sheegay in maamulka gobolka ay soo wargeliyeen maamulka degmada Qandala ugu danbayna ay maanta soo qabteen agabkan.
?
?
Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa isaguna sheegay in hubkani yahay mid aad u khatar badan lana rabay in lagu haligo dad aan waxba galabsan.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: