HomeUncategorized

Guddoomiyaha guddigii xulidda oo sheegtay in ay ku hawlanyihiin soo dhammaystirka mudanayaasha dhimman.

Muqdisho, Aug 21 - Xubnihii guddiga xulidda baarlamaanka dawladda federaalka ayaa maanta wada qorshe lixaadleh oo ku aaddan soo dhammaystiridda xildhibaannada wali ku laalan gacanta beelaha iyo odayaasha dhaqanka.

Drs. Maryam ?Qalbiyada caruurta iyo dhalinta hadii la Hago mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku jira?
Tahriibayaasha oo Wali ku sii qul qulaya dalka Yemen xilli lagu jiro Bad xiran. [Akhris …]
Gacan ku dhiiglihii dilay Gudoomiye Maryacade oo maanta Baledweyn lagu toogtay (Dhegeyso)

Muqdisho, Aug 21 – Xubnihii guddiga xulidda baarlamaanka dawladda federaalka ayaa maanta wada qorshe lixaadleh oo ku aaddan soo dhammaystiridda xildhibaannada wali ku laalan gacanta beelaha iyo odayaasha dhaqanka.

Guddiga, ayaa galaan-gal dib u laabasho ka dhax-wada odayaasha dhaqanka taasoo ay ku dardargalinayaan damacooda ku aaddan deg-deg u soo dhammaystirka xildhibaannada harsan.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ah guddoonka guddiga, lana hadashay warfidiyeennada, ayaa sheegtay in ay dedejin doonaan soo gudbinta wakiilladaasi si ay qayb uga noqdaan fadhiyada baarlamaan ee haatan bilawday.

Guddigu, waxay sidoo kale sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin dhaarinta xildhibaannadii ay soo gudbiyeen, taasoo ay ku tilmaameen guul taariikhi ah, wax-ku-oolna u ah ummadda Soomaaliyeed.

Xubnaha guddigaani uu ka kooban yahay ayaa muujiyey ad-adkaan sharciyeed iyo il-dheeri gooni ah oo ku aaddan majare u qabanta qaabkii loo dejiyey sharuudaha xulidda wakiillada, iyagoo aan innaba ka weecan dhabbihii ballameed sida badanka bulshadu qabaan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.
(G).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: