HomeUncategorized

Barnaamijka Tartan iyo Tacliim oo si habsi leh uga socda xarumaha Daljir,natiijada tartamadii xalay

Bosaso, Aug 07 - Afar ka mid ah dugsiyada sare ee Puntland ayaa xallay ku tartamay barnaamijka Tartan iyo Tacliim ee idaacadda Daljir oo kaashanaysa wasaaradda waxbarashada Puntland,shirkadda Golis iyo daladda ahliga PEN ay u qabtaan dugsiyada sarre ee Puntland.

?Warbixin ku saabsan dagaal xoogan oo Al-shabaab & Ahlu Sunna ku dhex maray Dhuusamareeb.
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Madaxweynaha Puntland oo lagu soodhoweeyey magaalada Muqdisho.

Bosaso, Aug 07 – Afar ka mid ah dugsiyada sare ee Puntland ayaa xallay ku tartamay barnaamijka Tartan iyo Tacliim ee idaacadda Daljir oo kaashanaysa wasaaradda waxbarashada Puntland,shirkadda Golis iyo daladda ahliga PEN ay u qabtaan dugsiyada sarre ee Puntland.

Tartanka oo ahaa kuwo xiiso badan ayaa u qaybasanaa laba qaybood.

Qaybtii? koowaad waxaa ku tartamay dugisyada Al-Najax Boosaso iyo Nugaal Secondry Garowe.


Labada dugsi oo soo bandhigay tartan aqooneed xiiso badan ayaa waxaa ay guushu ku raacday dugsiga sarre ee Al-Najah Bosaso, kadib markii uu? 9-dhibcood uu kaga awoodroonaaday dugsiga Nugaal Secondry Garoowe oo natiijo ahaan helay tartanka xalay 7-darajjo.


Qaybtii labaad ee barnaamijka oo ay ku tartameen dugsiyada sarre ee Bosaso Secondry iyo Nawawi Garowe ayaa waxaa ay guushu ku raacday dugsiga Imaamu Nawawi Garowe kadib markii uu 12-dhibcood uu kaga awood roonaadaay dugsiga Bosaso Secondry oo helay sadex darajjo oo qura,intii badnayd su’aalihii la waydiiyayna iska lumiyay.

Caawa haddii uu Eebbe inoo saamaxo waxaa tartamaya dugsiyada kala ah:

  • Shaafici Bosaso Vs Xamdaan Bosaso
  • Xaaji Cali Biixi Gaalkacyo Vs Sheekh Cismaan Qardho.
    ?

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Radio Daljir

Boosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: