HomeUncategorized

?Annagaa dalbanay Ciidanka oo waliba lugahayaga ugu tagnay madaxweynaha Puntland, annagoo u sheegnay Mudug inay ciidamo u baahan-tahay? Duqa Gaalkacyo Siciid.

Gaalkacyo, July, 24 ? Duqa degmada Gaalkacyo Col: Siciid Cabdi faarax ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo lakeenay cutubyo ciidamo ah oo sugaya ammaanka magaalada,

Baahin: Isniin, March 07, Weriye Maxamed C/llahi Kooshin …Hargaysa: Xaabsade, wasiirka warfaafinta Somaliland oo guulo ka sheegtay dagaallo maanta ka dhacay bariga Laascaanood …Waa sidee xaaladda degaanka kadib? Waraysi ayaan idinkaga haynaa arinkaas iyo waliba dareenka haweenka Mudug ee dagaalada Gambare …Saxaafadda Somaliland iyo tabinta dagaallada Sool iyo Cayn ? …Bandar Bayla: Qoys Denmark u dhashay oo ay burcad-badeed ku haystaan degaankaas, waraysi arinkaas ku saabsan …
M/weyne Shariif oo lagu eedeeyey in uu hortaagan yahay hawlaha baarlamaanka, diiddan yahayna furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada.
Fadhigii baarlamaanka Somaliland ee maanta oo faraha la isula tagey, iyo afhayeenka oo bistoolad loola soo baxay.

Gaalkacyo, July, 24 ? Duqa degmada Gaalkacyo? Col: Siciid Cabdi faarax ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo lakeenay cutubyo ciidamo ah oo sugaya ammaanka magaalada, kuwaasoo ka kala yimid dhammaanba gobollada Puntland.

Duqa Gaalkacyo Col: Siciid Cabdi Faarax oo ka mida guddiga amniga ayaa hadalkaan ka jeediyay shir-saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo,? waxaana uu tilmaamay inay wali-dhimanyihiin ciidamo hor-leh oo qayb-ka ah kuwa sugaya ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Siciid Cabdi Faarax waxaa uu sheegay in ciidamadaan aysan shacabka ku dhaqan Gaalkacyo u gaysanaynin wax-dhibaato ah, ujeedaduna tahay sidii gobolka looga sifayn-lahaa kooxaha burcad-badeedda, Al-shabaab, iyo cid-kasta oo ammaanka gobolka lidi-ku ah.

?Innagaa dalbanay ciidanka oo waliba lugaheena ugu tagnay madaxweynaha Puntland Dr Faroole, waxaanu u sheegnay Mudug inay ciidamo xoog-leh u baahan-tahay, codsigii aan annagoo ah guddiga, waxaana shacabka Gaalkacyo aan ka rajaynaynaa inay la shaqayn-doonaan ciidamadaas sifo loo sugo ammaanka? Duqa Gaalkacyo Siciid.

Magaalada Gaalkacyo oo hooy u noqotay falalka amni-daradda lidi-ga ku ah, horayna maamulka Puntland loogu dhaliili-jiray xaalada Gaalkacyo Puntland inay gacmaha ka laabtay ayaa waxaa muuqata dadaalo ay dawladdu rabto inay kusoo celiso nidaamkii, nabad-galadii iyo kala-dambayntii Gaalkacyo horay loogu bartay.

C/risaaq Cali ?Silfar?

Radio D. Gaalkacyo.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: