HomeUncategorized

Cutub ka mid ah ciidamada AMISOM oo gaaray Baydhabo

Baydhabo, May 17 - 120- askari oo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xulka Karkaar oo 1 – 0 kaga badiyey Bari; Nugaal oo 4 – 1 Haylaan kaga badisay.
Afhayeenka guddiga doorashooyinka oo shaaciyey hannaanka asxaabtu u kala hari doonaan.
Kalfadhiga g/ deegaanka degmada Garoowe oo maanta furmay iyo waxqabadkii sanadka oo la soo gudbiyey

Baydhabo, May 17 – 120- askari oo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamadan oo fariisimo ka samaystay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa qorshahoodu yahay sidii ay amaanka magaalada ugala wareegi lahaayeen ciidamada dowladda Itoobiya oo ururka Al-Shabaab ka saaray magaaalada Baydhabo.

Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay qorshe ciidamada AMISOM loogu balaarinayo gobolada koonfureed ee Soomaaliya oo ay dowladda KMG Soomaaliya kula dagaalamayso ururka Al-Shabaab ee ku biiray Al-Qaacidda.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: