HomeUncategorized

Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo dagaal ku dhex maray deegaan ka mid ah gobolka Bakool

Xudur, May 09 - Dagaallo xoogan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay ayaa lagu soo waramayaa galabta inuu ku dhexmaray deegaanka Abaq-gedey oo 18 km u jirta degmada Xudur ciidmada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo ururka Al-Shabaab.

Ra?isal wasaare saacid oo amaanay go?aankii maxkamada sare Britain ku hakisay qorshihii Barclays
Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu diley magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
Minnesota: Dadwaynaha oo looga digay isticmaalka waxyaabaha la isku caddeeyo, kadib markii la ogaaday in ay ku jiraan sun khatar ah.

Xudur, May 09 – Dagaallo xoogan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay ayaa lagu soo waramayaa galabta inuu ku dhexmaray deegaanka Abaq-gedey oo 18 km u jirta degmada Xudur ee gobolka Bakool ciidmada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inuu ku bilowday weerar ay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku qaadeen fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku leeyihiin tuulada Abaq gadey.

Xildhibaan Axmed Mashruuc oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha dagaalka hogaaminaysa ayaa sheegay dagaalka inay ku dileen 10-ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay dhankooda inuu jiro dhaawaca sadex qof, ururka Al-Shabaaab kama uusan hadlin dagaalka.

Xaaladda goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ayaa lagu soo waramayaa xiligaan inay degantahay, inkastoo ay weli jirto baqdin lagu qabo in dagaalka uu mar kale dib u bilowdo.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: