HomeUncategorized

Dowladda Kenya oo safaaradeeda dib uga furanaysa Soomaaliya

Mogadishu, Apr 22 -Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay dib safaaradeeda uga furato dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho.

Kaluumaysatada Puntland oo ka cabanaya Xaalufin lagu hayo badda.
DHEGEYSO-Maamulka degmada Godobjiraan oo kahadlay abaaraha kajira deegaanka.
DHEGEYSO-Musuq-maasuqa doorashada labada aqal oo gaarey heerkii ugu sarreeyey.

Mogadishu, Apr 22 -Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay dib safaaradeeda uga furato dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho.

Wefti balaaran oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Kenya Mr Richard Onyonga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wasiir kuxigeenka arimaha dibadda Kenya Mr Richard Onyonga ayaa u sheegay warbaahinta kulanka markii uu soo dhamaaday, madaxwaynaha inay isku afgarteen inay dowladda Kenya ay dib u howlgaliso safaaradii ay ku lahayd dalka Soomaaliy.

Mr Richard Onyonga ayaa sheegay madaxwayne Sheekh Shariif inuu ogolaaday dib u furidda safaaradda Kenya ee Soomaliya.

Dowladda Kenya oo dhowaan ku biirtay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qorshaynaysa inay dhowaan ciidamadeeda ka howlgalaan magaalooyin ka mid ah koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: