Haddaan nahay Bahda Puntland Concern Group waxaan tacsi tiiraanyo leh u gudbineeynaa Dhammaan ummadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Qoyska uu ka geeriyooday Madaxweyne Yusuf. Waxaan Alle uga baryeeynaa Naxariistiisa Jano, samir iyo iimaanna naga wada siiyo….Aamiin
Cabdullahi Yusuf wuxuu ahaa halyeey ayan dad badan oo Somali ah macnihiisa fahamsaneyn, balse waxaa uu kaga tagay Somaliya Rajo iyo ififaalo leh Dariiq nabadeed, isaga oo Indhaha Caalamka kusoo jeediyey Somaliya. Sida Prof. Cali Maxamed Geedi & Madaxweyne Shariifba ay sheegeen waxaa uu Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Dhigay Ubax ifaya madaxtooyadii qaranka Somaliya taa oo ay haatan miraheedii dugaashanayaan Madaxda qaranka ee maanta Jirta.
GEESI AAN LA ILAAWI DOONIN
Tacsidaan waxaa wada diraya dhammaan waaxaha Puntland Concern ee hoos ku qoran.
Puntland Concern Group
United Kingdom, Denmark, Germany, Australia, United States, United Arab Emirates, Canada, Holland, Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda
COMMENTS