HomeUncategorized

Madaxwaynaha Puntland iyo waxgaradka laba beelood oo ay colaadi dhex martay oo kulan ku leh magaalada Qardho.

Qardho, Mar 14 -Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle oo maalintii sadexaad ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa la kulmay waxgaradka ay kasoo jeedaan beelood walaalo ah oo dilal kale duwan uu ku dhexmaray magaalada Qardho.

Eng. Camey oo Sheegay in xal laga gaaray muran xuduudda ah oo u dhaxeeyay Puntland iyo Itoobiya
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.
Dhalinyaro ka tirsan Alshabaab oo isku soo dhiibay maamulka dawladda ee gobolka Baay.

Qardho, Mar 14 -Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle oo maalintii sadexaad ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa la kulmay waxgaradka ay kasoo jeedaan beelood walaalo ah oo dilal kale duwan uu ku dhexmaray magaalada Qardho.

Duqa magaalada Qardho Maxamed Saciid Ciise oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay madaxwaynaha Puntland inuu kala hadlay waxgaradka labada beelood sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinka labada beelood dhexmartay.

Waxaa uu sheegay wadahadalku inuu marayo meel fiican, isagoona tilmaamay in aanay jirin heshiis rasmi oo labada beelood ay ka gaareen dhibaatooyinka dhexmaray.

Maxamed Saciid Ciise ayaa dhinaca kale tilmaamay xaaladda amaan ee magaalada Qardho inay tahay mid sugan,waxaana uu beeniyay inay jiraan dad banaanbaxyo looga soo horjeedo madaxwaynaha Puntland kadhigay magaalada Qardho.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: