HomeUncategorized

Qaraxyo ka dhacay Nairobi, booliska Kenya oo ku eedeeyay Al-Shabaab

Nairobi, Mar 11 -Weeraro iskuxigxigay oo banbaanooyin loo adeegsaday oo ka dhacay caasimadda dalak Kenya ee Nairobi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof,islamarkaana ay ku dhaawacmeen 40 qof oo kale sida ay sheegtay hay?adda laanqayrta cas ee dalka Kenya.

SAWIRRO-Shir looga hadlayo ammaanka badda Puntland oo Garoow ka furmay.
(DHAGEYSO) Barnaamijka Tartan & Tacliin ee Radio Daljir
(DHAGEYSO) Barnaamijka Saaka & Dunida (Xarunta Garowe)

Nairobi, Mar 11 -Weeraro iskuxigxigay oo banbaanooyin loo adeegsaday oo ka dhacay caasimadda dalak Kenya ee Nairobi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof,islamarkaana ay ku dhaawacmeen 40 qof oo kale sida ay sheegtay hay?adda laanqayrta cas ee dalka Kenya.

Laanqayrta cas ee dalka Kenya ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in dadka ku dhaawacmay weerarka ee gaadhayaan 40-ka qof la dhigay isbitaalka .

Dad goobjoogayaal ah aaya sheegay in baabuurtu ay ka cararayeen meelaha basaska laga raaco markii 4 qarax oo isku xigxigay ay ka dhaceen badhtamaha magaalada Nairobi.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa booqday dhaawacyada isbitaalka , si uu u qiimeeyo xaaladda.

Police-ka dalak Kenya ayaa durbadiiba weerarka qaraxyada lagu qaaday magaalada Nairobi ku eedeeyey ururka mayalka adag ee Al-shabab oo fadhigiisu yahay koonfurta Somalia , halkaasina kula dagaalamaya ciidamada Kenya .

? waxani waa fal fulaynimo ah oo ay ku dhaqaaqeen canaasiirta Al-shabab ,markaa u debcimeyno , waanu helaynaa qolyahaasi falkan ka dameeyey , dagaalkana waanu sii wadaynaa? sidaasi waxaa sheegay Charles Owino, oo ah afhayeen u hadlay police-ka Kenya.

Dalka Kenya ayaa ciidamadiisa dagaalka u diray Somalia bishii October ee sanadkii hore , markii islaamiyiinta fadhiga ku leh Somalia ay weeraro dad lagu afduubanayey ka fuliyeen Kenya.

Dadka Somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Eastleigh ee degmada Kamukunji ayaa ka baqanaya in lagu xidhiidhiyo weeraradaasi oo la bartilmaameedsado.

Abdirashid Musse
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: