HomeUncategorized

Maamulka degmada Jariiban oo sheegay inay balanqaadyo ka heleen dowladda Puntland iyo ciidanka NATO

Jariban,Mar 5 -Maamulka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay socdaal ay dhowaan xeebaha deegaanka Garacad ku tageen wefti dowoladda Puntland kasocoday oo isugu jiray wasiiro iyo agaasimayaal.

DHEGEYSO-Barnaamijkii saaka iyo dunida iyo Maxamed Laki Man.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Geesey oo iska fageeyey eedaymo ku saabsanaa in uu ku lug lahaa dilkii wasiirkii warfaafinta Puntland. [Akhris …]
Duqa magaalada Galkacyo oo beeniyey eedayn hanti dhunsi oo uu u soo jeediyey ku xigeenkiisu.

Jariban,Mar 5 -Maamulka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay socdaal ay dhowaan xeebaha deegaanka Garacad ku tageen wefti dowoladda Puntland kasocoday oo isugu jiray wasiiro iyo agaasimayaal.

Duqa degmada Jariiban Cabdikariin Maxamuud Keytoon oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay socdaalka inuu ahaa kulamo ay la yeesheen masuuliyiinta dowladda Puntland iyo ciidanka NATO,taasi oo la xiriirtay la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda.

Waxaa uu sheegay masuuliyiinta dowladda iyo NATO inay u bandhigeen qorshayaal maamulka degmada Jariiban uu ku doonayo inuu kooxha burcadbadeeda kaga sifeeyo xeebaha ku dhow Garacad.

“Waxaa la isku afgartay in loo sameeyo burcadbadeeda dugsiyo farsamo oo xirfadaha lagu barto ,in loo sameeyo jiheyn oo shaqooyin loo abuuro, warshado kalluumaysi in loo sameeyo, laashash iyo qalab ay ku kaluumaystaan in loo sameeyo,waa la isku afgartay waana loo sameeynayaa”ayuu yiri duqa degmada Jariiban Cabdi Kariin Keytoon.

Duqa degmada Jariiban,ayaa dhinaca kale sheegay inay ka codsanayaan dowladda Puntland inay qaramayso sadex boqol oo ciidan oo loo igmaday la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda ee deegaanka Garacad.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: