HomeUncategorized

Dawladda federaalka oo cambaaraysay qaraxyadii shalay lala bartilmaameedsaday dad shacab ah

Mogadishu,Feb 28 -Dowladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay war-sxaafadeed ay ku cambaaraynayso qaraxyo ay dad shacab ah ay ku halaagsameen oo shalay ka dhacay garoonka kubadda cagta degmada Wadhiigley ee gobolka Banaadir.

Madaxdii siday gurmad ka yimi Banaadir oo maanta tegaya meelaha xoolaha lagu qaybiyo (Dhegeyso)
Soomaaliland iyo waxgarad dib xabad joojin dhex-dhigay beelo ku diriray gobolka Sanaag (Dhegeyso)
Wafti uu hogaaminayo afhayeenka baarlamaanka Puntland oo la kulmay jaaliyada Puntland ee Oslo, Norway.

Mogadishu,Feb 28 -Dowladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay war-sxaafadeed ay ku cambaaraynayso qaraxyo ay dad shacab ah ay ku halaagsameen oo shalay ka dhacay garoonka kubadda cagta degmada Wadhiigley ee gobolka Banaadir.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay sii kordhayaan dadka u lee’anaya waxyeelada uu qaraxu kasoo gaaray shacabkii lala beegsaday.

Tirada dhimashada ciyaartoydii ay Shabaab qaraxa ku dishay oo kordhaysa

(Muqdisho 28 Feb 2012) Waxaa sii kordhaya dhalinyaradii ciyaartoyda
ahayd ee gellinkii dambe ee shallay Al-shabaab qarax kula eegatay
garoon ku yaala degmada Wardhiigley ee gobalkan Benaadir, waxaan
dhimashada gaaraysa shan waxaana xallay dhaawac uga dhintay 3
cusbitaal.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta, Bostada iyo Isgaarsiinta, Mudane
Cabdulahi Bile Nur oo ku hadlaya magaca dawlada KMG-Soomaaliya ayaa
yiri, ?Waxa ay maalin murugo u tahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed
kol haddii carruurteenii la xasuuqayo iyagoo kubbada cagta ku
ciyaaraya xaafadahooda, waxaa ka sii murugo badan in dad muslim
sheeganaya ay ka dambeeyaan falkaasi.

?Dawlada KMG-Soomaaliya way sii wadaysaa isla markaana sii xoojinaysaa
dadaalkeeda ku aadan in ay soo afjarto hanjabaada lagu hayo
carruurteena iyo bulshada inteeda kale iyadoo xoogjinaysa amaanka
goobaha dadka gaar ahaan carruurta ay ku kulmaan. Balse waa inaan
xasuusanaa in aan bulshadu lagu baabi?in Karin argigixiso noocan oo
kale muda gaaban gudaheed.

Si kastaba ha ahaatee xilli aan sidaas u sii fogayn ayaan soo
afjareynaa maadaamaa ciidamada qalabka sida ay kooxaha argagixisada
ay ka sii saarayaan magaalada Muqdisha iyo nawaaxigeeda iyo dalka
intiisa kale oo hurumar hore loogaba gaaray,? sidaana waxaa hadalkiisa
ku soo afjaray wasiirka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: