Garowe, Feb, 18 ? Madaxdii dawladda dhexe iyo dhammaan maamulladii saxiixay hishiiskii Garowe II ayaa maantay siyaabo-kale duwan uga dhoofay garoonka Garowe international Airport, iyadoo wafuudii ugu horaysay oo dhooftayna uu hoggaaminayay madaxwaynaha DFKS Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Wafuuda uu hor-kacayay Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan, raysal-wasaaraha Soomaaliya Dr C/wali Maxamed Cali Gaas, iyo xubno ka kala tirsan golaha xukuumadda dawladda dhexe iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinca kale, waxaa iyana garoonka isla maantay ka dhoofay waftigii Galmudug uga qayb-galayay shirka Garowe II oo uu hoggaaminayay madaxwayne Caallin, iyo ergooyinkii ka socday maamulka Ahlu-sunna Waljamiica.
Madaxwaynaha Puntladn Dr Faroole wafuud uu horkacayo oo uu ka mid-yahay wasiirka diinta iyo aw-qaafa jammhuuriyadda Jabbuuti Xaamud Cabdi Suldaan, iyo xubno u badan golaha xukuumadd Puntland ayaa iyana u socdaalay isla maantay dalka Jabbuuti, si ay ugu sii gud-baan shirka London 23-ka February ka furmi doona.
Magaalada Garowe ayaa waxaa wali kusugan ergooyinkii lagu cusamay shirka oo ka kooban qaybo-kale duwan oo isaga kala yimid dibbada iyo gudaha dalka Soomaaliya, waxaana iyana lafilayaa in maalita birriya ay ka duulaan garoonka Garowe International Air-port.
Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?
Radio Daljir Garowe.
COMMENTS