HomeUncategorized

Ardayda iyo barayaasha waxbarasho ee degmada Guriceel oo eedeeyay wasaaradda waxbarshada ee dowladda KMG Soomaliya

Galgadud,Feb 14 -Ardayda,barayaasha iyo maamulada dugsiyda waxbarasho ee gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen degmada Guriceel waxaa ay ku ay ku dhaliileen hanaankii ay wasaaradda waxbarshada dowladda KMG Soomaliya u qaybisay deeqo waxbarasho oo ay dhowaan ka heshay dalal dibadda ah.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.
DHEGEYSO-Maxaa kajira in qurba joogta qaar lagu bahdilo garoonka Aadan Cadde.
Maamulka Radio Daljir oo si KMG ah u joojiyey baahinta Radio Ergo iyo Hirad.(Warsaxaafadeed)

Galgadud,Feb 14 -Ardayda,barayaasha iyo maamulada dugsiyda waxbarasho ee gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen degmada Guriceel waxaa ay ku ay ku dhaliileen hanaankii ay wasaaradda waxbarshada dowladda KMG Soomaliya u qaybisay deeqo waxbarasho oo ay dhowaan ka heshay dalal dibadda ah.

Sheekh Doon Salaad Cawar oo ka mid ah gudiga horumarinta waxbarashada ee degmada Guriceel ayaa waxaa uu sheegay inay ka codsanayaan dowladda KMG ah Soomaliya inay siiso taageero waxbarasho,isagoona intaasi raaciyay deeqihii waxbarsho ee dhowaan ay heshay dowladda KMG ah Soomaliya inaysan waxba kasoo gaarin ardayda gobolka Galgaduud.

Dhowaan ayay ahayd markii wasaaradda waxbarasho ee dowladda Puntland ay eedeysay hanaankii lagu maareeyay deeqaha waxbarasho ee wasaaradda waxbarshada DKMG ka heshay dalal dibadda,iyadoo eedaymahan ay imaanayaan xilli todobaadyo ka hor ay magaalada Muqdisho deeqo waxbarsho uga dhoofeen 450-arday oo deeqo waxbarsho loogu qaaday dalalka Turkiga,Malaysia iyo Suudaan.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: