HomeUncategorized

?Labo qabiil oo dagaalamay oo mid jooji gardarrada layiri oo uu joojin-waayay aayadu waxay ka qabto ayaan ku qaadaynaa? Garaad C/llaahi Cali ?Ciid?

Caption ...

Axmed Madoobe oo Waqtiga Magacaabista Golaha wasiirada loo kordhiyay
Safiirka Imaaraadka Carabta u Fadhiya Somaliya oo Garowe soo Gaaray
Baahin: Isniin, Dec 26, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Ciidanka amniga & sirdoonka Puntland oo fashiliyey miino lagu aasay wadada madaarka Bossaso; Khasaare nafeed oo ka dhashay duqayn diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay ka fuliyeen meelo ka mid ah gobolka Gedo; Xukuumada federaalka ah ee Somaliya oo taageeray in billada hogaamiyaha sannadka 2011 lagu sharfo R/wasaaraha Turkiga.

Boossaaso, Jan 29 ? Afhayeenka issimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa si caro-leh uga hadlay dagaaladii dhawaan dib uga qarxay deegaanka hawdka ee gobolka Cayn, waxaana uu tilmaamay haddii aysan Somaliland joojin dagaalada ay ka wadaan deegaankaasi in lagu qaadi doono waxay aayada quraanku ka qabto arrintaasi oo kale.

Garaad C/llaahi Ciid ayaa baaq nabadeed u jeediyay odoyaasha iyo waxgaradka Somaliland kaasi oo ku aadan inay faraha soo galiyaan xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Cayn, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in haddii ay ka aamusaana waxgaradka Somaliland ay u qaadan doonaan duulankaasi mid ay dhammaantood ka simanyihiin. Sida uu hadalka u dhigay.

Garaadka ayaa tilmaamay mar uu ka hadlayay baaqyada cambaaraynta ah ee loo jeedinayo Somaliland ficil aan waxba kusoo kordhin-karin dhibaha ka taagan gobolka Cayn, waxaana uu intaasi ku daray in ficil muuqda oo nabadeed loo baahanyahay, ama in xaalad u dhiganta dhibka meesha ka taagan loo weecdo, balse arrintaasi aysan cambaarayn u baahnayn.

Ugu dambayntii afhayeenka issimada Puntland Garaad C/llaahi Ciid ayaa sheegay in loo baahanyahay caqligu inuu shaqeeyo oo nabad-lagu soo dabaalo gobolka, dagaalkuna wax-faa?iido ah uusan lahayn. Garaadka ayaa dhinaca kale ka gaabsaday mawqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan sheegashada gobolka Sanaag ee maamulkii dhawaan looga dhawaaqay degmada Taleex ee Khaatumo State of Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: