Baran, January, 2012 – Wafti uu hoggaaminaayo wasiirka gaanshaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali ayaa maantay soo gaaray degmada Baran ee gobolka Sanaag, waxaana socdaalkiisa walaac aad u daran ka muujiyay wax-garadka deegaanka oo ku tilmaamay faragalin-siyaasadeed.
Caaqil Xassan Faarax oo ka mida waxgaradka caanka ah ee gobolka Sanaag
oo u waramay radio Daljir ayaa tilmaamay socdaallada madaxda Somaliland
ay kusoo gaarayaan degmooyinka gobolka Sanaag inay sabab u tahay
Puntland oo gabtay doorkeedii maamul ama xadduudeed.
Caaqilka ayaa intaasi ku daray shacabka ku dhaqan gobolka Sanaag inay
yihiin dad isir-ahaan kasoo jeeda Puntland, waxna ka dhistay dawladda
Puntland 1998-dii, balse xaalada xilligaan ay ku suganyihiin gobolada
Sool, Sanaag, iyo Cayn ay tahay mid ay dhigtay Puntland.
Maahan markii ugu horaysay oo madax-ka tirsan Somaliland ay soo gaaraan degmada Baran ee gobolka Sanaag, waxaana isi soo taraysa qaylo-dhaanta ka soo yeeraysa waxgaradka deegaanka oo ku aadan faragalinta Soomaaliland.
Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.
COMMENTS