HomeUncategorized

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee dawlada federaalka oo sheegay in aan shir aysan ogeyn lagu qaban karin xarunta baarlamaanka.

Caption ...

Kenya Oo ku hanjabtay in ay awood u adeegsan doonto hubka dhigis lagu samaynayo deegaanka Baragoi
Dhagayso Caawa iyo Daljir Sabti 07 – May – 2016 Wariye Cabdifitaax Cumar Geedi (Studio Daljir GAROWE)
DHEGEYSO-Barnaamijkii Maanhadal iyo Jamaal Faarax Aadan.

Garoowe, Dec, 22 – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee dawladda federalka Soomaliya C/samed Macalin Max?ud ayaa sheegay inaan wax shir ah lagu qaban Karin xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho muddo 4 todobaad ah, si loo ilaaliyo amniga iyo sharafta xildhibaanada oo markii labaad shalay gacanta isulagay.

Wasiirka oo ka mid xubnaha dawladda feralka ee ka qabgalaya shirka wadatashiga arrimaha dastuurka ee ka socda Garoowe ayaa shir jaraa?id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ka sheegay inay ciidamada ammaanka ku amrayaan inaan hayaraatee wax shir ah lagu qaban Karin xaruntaasi, ayna waajib ku tahay ciidamada ammaanka inay dhawraan shafarta iyo ammaanka baarlamaanka. Balse waxa uu intaasi raaciyey in ciddii doonaysa inay shir qabsadaan ay muddo 72 saac ka hor usoo gudbiyaan wasaaradda.

Waxaa uu tilmaamay inay adagtahay in la kale ilaaliyo xubnaha baarlamaanka oo ah awoodda ugu sareysa dalka, ayna tahay in baarlamaanku uu wakhtigaliyo hawlaha horyaalla ee ay umadda Soomalidu ka sugayaan.

Barlamaanka ayaa shalay markii labaad todobaad gudihi isku farasaaray xaruntooda Muqdisho kuwaas oo u kale qaybsan xubno taageersan guddoomiye Shariif Xasan Sh. Aadan iyo kuwa kasoo horjeeda, waxaana shalay goobta ka dhacay feer iyo laad ay laba dhinac isdhaafsadeen , waxaana xildhibaano dhaawac fudud ka soo gaaray halkaasi.

Khilaafka Baarlamaanka ayaa u muuqda mid kasii daraya waxayna u egtahay in xildhibaanada aaminsan inay rideen guddoomiye Shariif aysan ku qacin culeyska kaga imaanaya Madaxtooyada Soomaliya, Qaramada midoobey, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo Urur goboleedka IGAD kuwaas oo aaminsan inaysan sax ahayn wadada loo maray xilka qaadista lagu sameeyey guddoomiyaha ayna tahay in la ilaaliyo heshiiskii Kambala.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: