HomeUncategorized

Miisaaniyada Puntland ee sannadka 2012 oo la ansixiyey; Wasiirka maaliyada oo tafaasiil ka bixiyey koror dhan 20%.

Caption ...

Ciidamo huwan ah oo isugu tegey Qansax-dheere iyo abaabul ka dhan ah Shabaab oo halkaas ka socda
Tirada askartii ku dhaawacantay qaraxii saakay ka dhacay degmada Mandheera oo sii korortay.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Koshin

Garowe, Dec 18 – Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhiga hadda socda ku ansixiyey miisaaniyada dawlada Puntland ee sannadka 2012; sidoo kalena aqbalay xisaab xirka sannadkii 2011.

Wasiirka maaliyada ee Puntland Faarax Cali Shire oo tafaasiil ka bixiyey miisaaniyada dawlada ee sannadka 2012 ayaa sheegay in miisaaniyada sannadka 2012 ay ka badan tahay tii sannadkii hore 20%.

Md. Faarax waxaa uu intaas ku daray in miisaaniyada 2012 ay tahay 3.2 milyan oo doolar bishii, una dhiganta 38.5 milyan oo dollar sannadkii.

Wasiirku waxaa uu sheegay in miisaaniyada loogu tahay galay in ay kaafido baahiyaha dawlada, shacabka iyo amniga guud ee Puntland.

Md. Faarax waxaa uu sheegay in miisaaniyada dawlada ee 2012 ay culayska saareen arrimaha bulshada, khaastan waxbarashada iyo caafimaadka; waxaa uu sheegay in ay ku kordhiyeen 200 oo macallim, kalkaaliyayaal iyo xirfadalayaal caafimaad. Waxaa kale oo uu sheegay in la qoray 162 kalkaaliye iyo xirfadle oo isugu jira umilisooyin, kalkaaliyayaal, iyo gargaarayaal caafimaad.

Mushahaaraadka ciidanka ayaa uu sidoo kale uu sheegay in la kordhiyey 20%; adeegyada kale ee dawlada ayaa sidoo kale la kordhiyey.

Mar uu tafaasiil ka bixiyey sida miisaaniyada dawlada loogu kala qoondeeyey unugyada, hay’adaha iyo waaxaha dawlada ayaa uu u dhigan sidan:

– 60% waxaa loo qoondeeyey mushaahaaraadka iyo adeegyada kale,
– 20% waxaa loo qoondeeyey hawlaha amniga,
– 20% waxaa loo qoolay arrimaha bulshada iyo horumarinta.

Sida uu wasiirku sheegay miisaaniyada dawlada ee sannadka 2012 waxaa ay dhaqan galaysaa 1-da bisha Janaayo, 2012.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: