HomeUncategorized

?Waa been abuur iyo hadalo aan jirin in Garowe loosoo wareejinaayo dhammaan duulimaadyadii kasoo dagi-jiray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boossaaso? Agaasimaha garomada Siciido Xuseen Cali.

Caption ...

M/weyne Shariif iyo Afhayeen Sh. Adam Madoobe oo kulamo la yeeshay xubno ka tirsan golayaasha dawladda.
Al-shabaab oo gacmaha ka goysey laba wiil oo lagu soo eedeeyey falal xatooyo ah.
Dagaallo dad badani ku dhintay oo maalintii labaad ka socda Muqdisho.

Garowe, Dec, 16 ? Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland marwo Siciido Xuseen Cali oo u warantay Daljir ayaa been abuur iyo war aan jirin ku tilmaamtay arrin dhawaanahaan aad loo hadal-hayay oo ku aadanayd in la qorshaynaayo dhammaan duulimaad-yadii ka dagi-jiray magaalooyin Boossaaso iyo Gaalkacyo in loosoo wareejiyo magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Marwo Siciido, waxaa ay sidoo kale tilmaamtay inay qorshaynayaan hirgalinta garoon caalami ah, kaasi oo la mid noqon-doona garoomada caalamka, islamarkaana laga hirgalin-doono mid ka mida magaalooyinka ugu wayn Puntland sida Gaalkacyo, Boossaaso, iyo Garowe.

Agaasimaha guud ee wasaaradda garoomada iyo duulista hawada dawladda Puntland marwo Siciido waxaa ay sheegtay in sanadka cusub ee 2012-ka ay hiigsan-doonaan qorsheyaal u badan dhanka hormarinta, sida tababarida shaqaalaha garoomada, hirgalinta dhisme garoon caalamiya, iyo dayactir lagu sameeyo garoomada dawladda Puntland.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: