Kalabaydh, Dec, 13 ? Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kalabaydh ee gobolka Hiiraan ayaa ku waraya in kooxo taabacsan DFKS ay maantay gacanta ku dhigeen gaari hub u siday kooxda Al-shabaab ee ka arrimiya magaalada Baladwayne.
Warka ayaa intaasi ku daraya in gaarigaasi loo badaniyo inuu kasoo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay nin u hadlay kooxdaasi gaariga gacanta ku dhigay.
C/wali Jimcaale oo ah ninka u hadlay kooxdaasi ka amar qaadata ciidanka dawladda ayaa sheegay in gaarigaan ay ku qabteen tuulo lagu magacaabo Diracle oo 35 km u jirta magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaana uu hadalkiisa raaciyay in hubkaan ay gacanta u galin-doonaan ciidanka DFKS, sida uu u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee dalka.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.
COMMENTS