HomeUncategorized

Inta la hubo ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhintay tiro ka badan 30-na way ku dhaawac-meen duqaymo diyaaradaha Maraykanku ay gaysteen koonfurta dalka Soomaaliya.

Qooqaani, Nov, 25 ? Ugu yaraan 15 qof ayaa dhintay ku dhawaad 30 kale dhaawacyo kale duwan ayaa soo gaaray, kaddib markii diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku ay duqaymo cirka ah ka gaysteen Qooqaani iyo Bilis.

Wasaaraha Ganacsiga Puntland iyo Itoobiya oo Heshiis ku Gaaray Addis Ababa
Guddoomiyaha gobolka Mudug Geesey oo iska fageeyey eedaymo ku saabsanaa in uu ku lug lahaa dilkii wasiirkii warfaafinta Puntland. [Akhris …]
Xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya katirsan oo Ahlu-Sunnah Waljameeca la kulmay.

Qooqaani, Nov, 25 ? Ugu yaraan 15 qof ayaa dhintay ku dhawaad 30 kale dhaawacyo kale duwan ayaa soo gaaray, kaddib markii diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku ay duqaymo cirka ah ka gaysteen deegaannada Taabta, Qooqaani, iyo Bilis oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Hawl-galadaan dhanka cirka ah ayaa diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku waxay la bartilmaameed-sadeen fariisimo deenno ku yaala gobolka jubbada Hoose ay ku leeyihiin kooxda Al-shabaab, waxaana la tilmaamayaa in dadka ku dhintay duqayntaasi ay u badan-yihiin saraakiil ka tirsan kooxda Al-shabaab, sida ay radio Daljir u xaqiijiyiin dad goob-joogayaal ah.

Dalka Soomaaliya ayaa ku dar-maday dalalka diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku ka fuliyaan hawl-galada duqaymaha cirka ah, waxaana horay dawaladda Maraykanku hawl-galadaasi oo kale uga fulisay dalalka Afghanistan, Pakistan, Libya, Yemen, iyo Ciraaq.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: