HomeUncategorized

Dagaal khasaare gaystay oo Moqdisho ku dhexmaray xalay ciidanka dawladda oo kaashanaya AMISOM iyo kooxda Al-shabaab.

Moqdisho, Nov, 15 ? Dagaal khasaare badan dhaliyay ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Moqdisho, kaasi oo u dhaxeeya ciidanka dawladda oo kaashanaha AMISOM iyo kooxda Al-shabaab.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Maanhadal oo maanta lagu jeexjeexay shirkii madasha.
Ururka Al-shabaab oo u diyaar-garoobay dagaal ay la gelayaan ciidamada Kenya iyo Ethopia ee Gedo.
?Boqorre oo aan ka waraysanay baaqashada fadhiga baarlamaanka.

Moqdisho, Nov, 15 ? Dagaal khasaare badan dhaliyay ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Moqdisho, kaasi oo u dhaxeeya ciidanka dawladda oo kaashanaha AMISOM iyo kooxda Al-shabaab.

Warar ay Radio Daljir ka heshay magaalada Moqdisho ayaa ku waramaya in dagaalkii xalay ay soo qaadeen kooxda Alshabaab, isla markaana ay weeraro ka fuliyeen fariisimo kale duwan oo ciidanka dawladdu ay ka samaysteen degmooyinkii ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab. Dabadeedna ciidanka dawladdu ay sameeyeen iska caabin xooggan.

Khasaaraha ugu badan ee dagaaladii xalay ayaa lagu waramayaa inuu waajahay dad rayid ah oo ku sugnaa meelo ka agdhaw Isgoyska Sos, War-cadde, iyo degmooyin kale oo ay gacanta wali-ku hayaank ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM.

Warar faah-faahsan oo ku saabsan khasaarihii dhabta ahaa ee dagaalkii xalay wali lama hayo, balse dhinacyada dawladda iyo Al-shabaab ayaa sidii caadada ahayd dagaalkaasi ku kala sheegtay guulo kale duwan.

Wixii war ah oo kasoo kordha dagaalada Moqdisho kala socda Daljir.com

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: