HomeUncategorized

Wasiirka gaashaandhigga federaalka oo maanta Muqdisho ku soo laabtay, kaddib kormeer uu ku tagay fariisimada ciidan ee Gobollada Jubbooyinka.

Caption ...

Dhagayso Barnaamijkii Caawa iyo Daljir 11 – Oct – 2016 Wariye Maxamuud Cabdi Ibraahim Studio Daljir Boossaaso
M/weyne Faroole oo ka qayb galay siminaar u furmay agaasimayaasha wasaaradaha dawlada Puntland. [Dhegaysi …]
DHEGEYSO-Maamulka cusub ee Galkacyo oo carcar lasoo baxay.

Muqdisho, Nov 08 ? Wafti saraakiil u badan oo uu hoggaaminayey R/wasaare ku-xigeenka dawladda federaalka ahna wasiirka gaashaandhigga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii kormeero hawleed ay ku tageen meelo ka mid ah gobollada Jubbooyinka.

R/wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, ayaa kormeerkiisa hawleed ku tagay deegaanno badan oo ka mid ah gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya waxaana si gaar ah ay u booqdeen fariisimada ciidamada dawladda iyo xulufadoodu ay ku sugan yihiin kuwaasi oo ah meelo badankooda lagala wareegay ururka Al-shabaab.

Md. Xuseen Carab Ciise, oo markii uu Muqdisho ku soo laabtay la hadlay war-fidiyeennada ayaa sheegay dhammaanba meelaha uu tagay in uu kula kulmeen saraakiisha ciidamada ee horkacayey ciidamada la wareegay Dhoobley, Taabta, Qooqaanni iyo deegaanno kale kuwaasi oo uu sheegay in au muujiyeen go?aanno geesinimo guulana ay soo hoyiyeen.

Tagitaanka R/wasaare ku-xigeenka ee gobollada Jubbooyinka ayaa yimid kaddib markii ciidamada dawladda oo garabsanaya kuwa Kenya iyo xarakada Raas-kambooniyiinta ay dagaal ku qabsadeen deegaanno dhawr ah oo ka mid ah gobollada Jubbooyinka kuwaasi oo haatanna la sheegayo in ay u hanqal-taagayaan dagaal kale oo ku wajahan magaalada dekedda ah ee Kismaayo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: