Dhoobley, Nov, 01 – Ciidamada ururka Al-shabaab ayaa galabta weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya meel u dhaw tuulada Tabta ee gobolka J/hoose, taas oo 60 KM dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan degmada Dhoobley ee gobolkaasi.
Cali Gaafane oo ka mid ah dadka deegaanka kuna tuuladaasi Tabta ayaa Radio Daljir u sheegay inay hayaan xog ah inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada dagaalamay, balse aysan ogeyn inta uu dhanyahay.
Ciidamada la weeraray ayaa ka yimid degmada Dhoobley waxayna u socdeen tuuladaasi Tabta ee duleedkeeda lagu weeraray, waxayna ka tirsan yihiin ciidamadii dawladda Kenya ee dhawaan soo galay dalka Soomaliya.
Xilliga uu dagaalku dhacay oo ahaa 5:30-kii galabnimo iyo meesha uu ka dhacay oo ahayd meel hawd ah ayaa sababay in wararka la heli karo ay aad u xadidnaadaan, waxaana la sheegayaa in ciidamada Kenya ay goobtaasi dageen oo ay caawa u hoyanayaan.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
COMMENTS