HomeUncategorized

“Dadku waxay jeclaan lahaayeen in deeqaha mashaariic loogu beddelo” Duqa degamda Badhan

Caption ...

DHEGEYSO-Madaxweynaha Jubbaland oo soo jeediyey talo muhiim ah.
Aragtida Iran ee ku Aadan Maraykanka oo aan wali la badalin
Al-shabaab oo Mowqif Cad ka Istaagtay Imaanshaha Ciidamada Ingiriiska e Somalia

Badhan, Oct 17- Boqollaal qoys oo ka mid ah dadkii ay dhawaan abaaruhu ku saameeyeen bariga Sanaag ayaa heley gargaar cunno ah oo ka yimid dalalka Cumaan iyo Kuwayd oo indhawaydba door mug leh ka qaadanayay gargaarka aadane ee ku wajahnaa abaaraha Soomaaliya.

Tiro saddex jeer ah ayaa qoysas ku dhaqan degaannada hoostaga degmada Badhan laga qaybiyay gargaar cunto ah, kaas oo ay fulintiisa gaysteen hay?adaha Tadaamun, iyo Salaam oo xarumo ku leh magaalada Boosaaso. Gargaarkan oo qayb ka ah shixnado iskugu jira cunnooyin kala duwan oo dhawaan ay dowladaha Kuwayd iyo Cummaan soo gaadhsiiyeen marsada magaalada Boosaaso, ayaa haddana dadka loo qaybiyay ee ku dhaqan bariga gobolka Sanaag aanuu kaafin, sida uu sheegey guddoomiyaha Badhan C/risaaq Axmed Ciise oo daljir u sheegey in 20% dadkii gargaarkan u baahnaa aanuu wada gaadhin.

Inkasta oo uu guddoomiyuhu ka mahadnaqay deeqahana haddana waxa uu sheegey in gargaar noocan oo kale ah aanuu marna suulin karin baahiyaha ay abaaruhu keenaan ee in badan degaannadaas ku soo noqnoqday, taas beddelkeedase waxa uu sheegey in ay shacabka degaankaasi jeclaan lahaayeen in loogu beddelo mashaariic horumarineed.

Bariga Sanaag waa mid ka mid ah degaannada ay sida ba?an u saameeyeen abaaro sannado iska soo daba noqnoqday oo ka taagnaa guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna degaannada Puntland.

Diiwaan wareedka Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: