HomeUncategorized

Midowga Africa oo boqolaal Malyuun oo Doolar ugu deeqaya dadka ku macaluulaya Geeska Africa.

Adisababa, Aug, 25 - Ururka Midowga oo maanta shir uga furmay magaalada Addisbaba ee xarunta dalka Ethiopia ayaa ka arinsanaya sidii uu boqolaal malyuun oo dollar ugu yaboohilahaa abaaraha iyo macaluusha ku dhufatay dalalka Geeska Africa.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia Keating iyo Ambassador Axmed Ciise Cawad oo Garowe maantay kusoo waajahan
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Axad_27
Dibadbax ka dhan ah ururka Daacish oo ka dhacay Addis Ababa

Adisababa, Aug, 25 – Ururka Midowga oo maanta shir uga furmay magaalada Addisbaba ee xarunta dalka Ethiopia ayaa ka arinsanaya sidii uu boqolaal malyuun oo dollar ugu yaboohilahaa abaaraha iyo macaluusha ku dhufatay dalalka Geeska Africa.

Shirka maanta furmay oo ah mid hal maalin soconaya ayaa ka tarjumidoona jawaabta ay dalalka African-ku ka bixinayaan abaaraha khatarta ku haya nolosha malaayiin qof oo ku nool Somalia, Ethioipia iyo Kenya.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu soo jiito hogaamiyayaal dhawr ah oo African ah oo Magaalada Addisbaba ee xarunta ururka Midowga Africa u jooga shirka berito halkaasi ka furmaya ee isna looga arinsandoono mashaqada dalka Libya.

Dadka wax naqdiya ayaa sheegaya in ururuka midowga Africa uu ka gaabiyey wax ka qabashada dhibaatada bani?aadantinimo ee ka taagan geeska Africa halka ay wadamo kale oo deeq-bixiyaal ah oo aan African ahayn ay kaalin hormuud ah ka ciyaarayaan gargaarka dadka ay dhibaatadu kasoo gaadhay abaaraha iyo macaluusha ka jirta geeska Africa.

Ururka Midowga Africa ayaa horay balan ku qaaday in uu bixinayo $500,000 Million dollar ,laakiin xafiiska iskuxidhaka arimaha bani,aadanitinimada ee Qaramada Midoobey ee UN OCHA ayaa sheegaya in baahiyihu ay intaasi ka balaadhnayihiin.
Dad lagu qiyaasay 12.4 million qod oo ku nool geeska Africa ayaa waxaa soo foosaaray abaartii ugu xumayd mudo 60 sano .

C/rashiid Muuse Siciid
Daljir, Bossaso

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: