Bossaso, Aug 23 – Duqa magaalada Bossaso Xasan Cabdulle Xasan ayaa tafaasiil ka bixiyey qorshe hawleedka siyaasaeed ee uu damacsan yahay in uu ka hawlgeliyo magaalada Bossaso oo 16-kii bishan loo doortay Duqa magaalada.
Md. Xasan waxaa uu sheegay in uu damacsan yahay hirgeinta 3 mashruuc oo kala ah sare u qaadiada nadaafadda iyo bilicda magaalada, dhiraynta magaalada, iyo bannaynta wadooyinka.
Md. Xasan oo waxaa uu ka dayriyey nadaafada magaalada oo uu sheegay in ay aad u hoosayso, una baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto, isna uu mudnaanta koowaad siin doon.
Maaraynta iyo guridda qashinka oo uu sheegay in ay aad u liidato, hoos u dhac weyna ay ku keentay bilicda magaalada ayaa uu u xusay in ay ugu horayn culayska saari doonaan; qashinka oo aan la gurin, lana fogayn ayaa uu sheegay in uu caafimaadka guud ee bulshada uu si xun u saameeyo.
Dhiraynta magaalada iyo bannaynta wadooyinka ayaa uu sheegay in uu sidoo kale siin doono ahmiyad gaar ah.
Waxaa uu soo qaatay 3 waddo oo uu sheegay in la bannayn doono:
i) Wadada isku xirta Gaaca iyo madaarka Bander Qaasim oo dhererkeedu le’eg yahay 1.4km,
ii) Wadada Netco illaa iyo madaxtooyada Bossaso, iyo
iii) Wadada Shaaric-lubaan oo dhan 1.2km.
Adkaynta amniga iyo xoojinta ciidanka amniga ee magaalada ayaa sidoo kale uu sheegay in uu wax ka qaban doono.
Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.
COMMENTS