HomeUncategorized

Saraakiisha DFKM oo sheegey in ay dagaalyahanno ajaanib ah ka qabteen Alshabaab

Caption ...

Baahin: Mar 29, Weriye Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Muqdisho: Dawlada federaalka ah ee Somaliya oo shahaada sharaf guddoonsiisay ashkhaas dawr ka qaatay siidaynta lammaane British ah oo ay afduub u haysteen dabley Somali ah; M/weyne Shariif oo munaasabadaas kaga hadlay qoraalo foojari ah oo uu sheegay in laga faafiyey dawladiisa … Bossaso: Gen. Yusuf Axmed Khayr, wasiirka amniga ee Puntland oo bahala-galeen ku tilmaamay mid ka mid ah xaafadaha Bossaso; tacsina ka diray dilka nabadoon Axmed Saalax Caynab oo habeen hore lagu dilay Bossaso … Buurtinle: Shacabka Buurtinle oo dhaliilay kaalinka dawlada Puntland ee gurmadka abaaraha, codsanayna gargaar deg deg ah … Buuhoodle: Dawlada Puntland oo gaarsiisay gobolka Cayn raashin mucaawino ah oo dhan 70 ton …
Madaxweyne Gaas oo soo xiray Shirkii wadatashiga Puntland oo Gaalkacyo lagu soo Gaba-gabeeyay
Dawladda Federaalka oo sheegtay inay awoodda Al-shabaab ku wiiqayso inta aan la gaarin bisha barakaysan ee Ramadaan.

Muqdisho, June 6- Saraakiisha ciidamada DFKS ayaa sheegey in ay dagaallada ay magaalada Muqdisho dowladdu kula gashay dagaalyahanka Alshabaab ay ku qabteen dad ajaanib ah oo ka barbar dagaallamay Alshabaab.

Col. C/qaadir Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DFKM oo u warramay idaacadda Daljir ayaa sheegey in qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ee ay ciidamadoodu kula dagaallameen Al-shabaab ay ku qabteen dad ajaanib ah, inkasta oo haddana DFKM aanay si rasmi ah u soo bandhigin dadka aajanibta ah ee ay saraakiisheeda ciidamadu sheegeen.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada milatariga dowladda federeelka ah ayaa waxa kale oo uu sheegey in goobaha ay dagaalladii ugu dambeeyey ku qabsadeen ay ugu tageen qalfoofta dad qoorta laga jaray, iyo mindiyo uu sheegey in ay Al-shabaab u isticmaali jireen qoor-goynta dadka.

Ilo madax bannaan ayaa Daljir u sheegey in qaar ka mid ah goobaha lagu dagaallamay lagu arkay xabaale wadareedyo la aaminsanyahay in ay ahaayeen shacab tuhun loo laayay.

Suuqa Bakaaraha oo ahaa goob colaadeed oo ay dhawaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladdu bartilmaameedsanayeen, kuna eedeeynayeen Alshabaab in ay hoy ka dhigtaan ayaa Col. C/qaadir Faarax uu sheegey in wali ay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom kaabiga u joogaan, Al-shabaabna ay ka bexeen.

Ganacsatadii Bakaaraha ayaa badiyaa ka tagay suuqaas, una rartay alaabohoodii ganacsi qaar ka mid ah degaannada ay dowladdu ka taliso ee Muqdisho, iyo ceelasha biyaha oo ay Al-shabaab ka taliyaan.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0