HomeUncategorized

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland oo magacowday guddi sare oo xeel-dheerayaal isboorti ah.

Caption ...

DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Talaado_23
Duqa magaalada Galkacyo oo tafaasiil ka bixiyey amar faraya gaadiidku in aanay qaadin rakaab, ayna ruqsad dhaqdhaqaaq ka qaataan dawlada hoose.
Wsaaradda maaliyadda iyo taliska ciidanka Puntland oo ka arrinsanaya arrimaha mushaharka ciidanka

Garowe, June 03 – Wasaaradda shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo cayaaraha dawladda Puntland ayaa magacowday guddiga sare ee oo ah odayaal khibradlay xagg isboortiga ah.

Guddiga ay Wasaaraddu magacowday oo ka kooban 8 xubnood oo ah khuburo ku xeel-dheer cayaaraha lagana soo kala xulay gobollada Puntland ayaa howshoodu waxay noqonaysaa kor-uqaadidda iyo tayeynta cayaaraha Puntland, islamarkaana waxaa ay laf-dhabar u noqonayaan dhallinyarada u baahan isboortis qaabaysan.

Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo cayaaraha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle ayaa tilmaamay in markii ay darseen baahida loo qabo in la hormariyo tayada ciyaaraha Puntland waxaa ay goosteen magacaabidda guddi heer caalami oo ku xeel-dheer cayaaraha kuwaas wasiirku uu sheegay in ay kamid yihiin dad magac kuleh taariikhda cayaaraha kubadda cagta Soomaaliya.

Magacaabida guddigaan ka kooban 8 xubnood ee wasaaraddu ay magacowday ayaa waxay kamid noqonayaan dadaalka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo cayaaraha ay ku hormarinayso isboortiga Puntland, waxaana magacaabidda guddigaan uu kusoo aadayaa xilli dhawaan wasiirka wasaaraddu uu safar kutagay magaalada Boosaaso kaasoo la xiriira ciyaaraha Puntland iyo qaabkii loo hormarinlahaa.

C/weli Maxamed Sheekh
Daljir Garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: