HomeUncategorized

?Wax la fahmi karo kama soo bixin shirkii Golaha Ammaanka ee Nairobi? Prof. Dalxa.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa si aad ah u dhaleeceeyey shirkii magaalada Nairobi ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay, kaasi oo ay ka qaybgaleen dhinacyada siyaasadda Somaliya.

?Col. Xasaasi, taliyaha ciidanka bilayska ee Mudug oo aan ka waraysanay weerarkii culimada ee Galkacyo.
Dhagayso Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir Jimce 26 – March – 2016 Khadar Cawl Ismaaciil
Wasaaradda waxbarashada Puntland oo maanta kormeero ku sameysay dugsiyada waxbarasho ee ku yaala Garowe.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa si aad ah u dhaleeceeyey shirkii magaalada Nairobi ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay, kaasi oo ay ka qaybgaleen dhinacyada siyaasadda Somaliya.

Dalxa waxa uu sheegay in shirkii Golaha Ammaanka ee Nairobi aysan ka soo bixin wax la fahmi karo oo si cad u qeexaya natiijada shirka, waxaana uu sheegay in la filayey in shirka lagu lafaguro khilaafka taagan iyo xilliga kale guurka.

Maxamed Cumar Dalxa waxa kale oo uu shirka ku tilmaamay in uu ahaa dawo aan cudurkeeda lagaranayn oo layska qoray isaga oo ujeedka eraygaasi ku micneeyaay in marka hore la ogaado waxa taagan kadibna laga hadlo.

Xildhibaanka oo daliishanaya qodobkii ahaa ?wakhti kororsi ma jiro ee waa in doorasho la qabtaa. Doorashana dhini mayso ilaa la xalliyo khilaafka madaxada federalka? ayaa shirka ku tilmaamay inuusan ahayn mid dhammayn kara xaaladda hadda taagan.

Waxaa uu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay looga fadhiyo inay si faahfaahsan oo la fahmi karo uga hadasho arrintaasi, maadaama aan ilaa iyo hadda si buuxda loo fahmi go?aanka dhabta ah ee goluhu qaatay.

Prof. Dalxa ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi waxaana uu ka soo laabtay magaalada Qaahira oo uu kaga soo qaybgalay shirkii barlamaanada Carabta oo ka dhacay halkaasi, waxana uu sheegay in lagu soo qaaday xaaladda Somaliya.

Sucaad Mire Max?ed
Daljir Bossaso

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: