HomeUncategorized

Dagaallo xalay iyo maantaba ka dhacay Muqdisho iyo dawladda iyo Al-shabaab oo guulo kala sheegtay

Caption ...

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Burtinle iyo Xarfo lagu soo dhaweeyay
Puntland oo fasaxday shaqaalaha hay?adaha kala duwan ee maamulka maalmaha Ciidda (Dhegeyso)
Ciidamada badda Puntland oo rajo ka muujiyay soofurashada markabka Icerberg1 ee lagu haysto xeebta Garacad

Muqdisho, May 27- Dawlaladda Federalka iyo ururka Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaallo xalay saqdii dhexe ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhaxeeyey ciidamada dawladda FKMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Afhayeen hadlaha xarakada Al-shabaab qaabilsanna dhanka ciidamada oo lagu magacaabo Sh Cabdicasiis Abu-muscab oo shir jaraa’id oo khadka telefonka u qabtay warbaahinta ayaa sheegay inay guulo la taaban-karo ka gaareen dagaallo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, iyadoo dhunac kalena dawladdu guulo kuwaasi la mid ah sheegatay.

Dagaalka xalay ka dhacay degmadaasi ayaa yimid kaddib markii ururka Al-shabaab ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen fariisimo ciidamada dawladdu ku leeyihiin degmadaasi Boondheere.

Afhayeenka Al-shabaab ee dhinaca hawl-galada ciidan Abu-muscab, ayaa sheegay in ay qabsadeen qaar kamid ah rugihii ay hore u deganaayeen ciidanka dawlada FKMG ah, inkastoo warar madax- bannaan oo ay heshay idaacada Daljir ay sheegayaan in labada dhinac ay ku kala sugan yihiin goobahoodii hore.

Sidoo kale waxaa maanta xaafado ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir ka dhacay dagaal xoogan oo ay isku fara saareen dhinacyada dawladda iyo Al-shabaab, waxaana wararka ay idaacadda Daljir ka heshay deegaannada maanta lagu dagaallamay ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ciidamada dawlada FKMG ahi lawareegeen goobo hor leh oo ka tirsan degmada Hodan.

Goobaha maanta ay ciidamada dawladda FKMG ahi qabsadeen ayaa lagu sheegay deegaannada Bangaariya, African Village iyo isgoyska Albaraka oo dhammaantood katirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Diinwaanka Wararka
Idaacadda Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: