Garowe, May 26- Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo cayaaraha Puntland ayaa billowdey qorshe hawleed ay ugu kuurgeleyso qaababka ay u shaqeeyaan xafiisyada dawladda, Sida uu Daljir u xaqiijiyey wasiirk ku-xigeenka wasaaraddaasi Siciid Daahir Qodax.
Wasiir kuxigeenka oo maanta xafiiskiisa magaalada Garoowe wareysi gaar ah ku siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegey in ay wasaaraddu samaysay labo guddi oo u kuurgelidoona qaabka ay u socdaan shaqooyinka hay’adaha dawladda iyo kuwa aan dawliga aheyn.
Wasiirka, ayaa sheegey qorshahaasi in looga golleeyahay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin, In la ogaado tiro-koobka guud ee shaqaalaha dawladda Puntland, In la ogaado qof kastaaba sharciga lagu hawl-geliyey iyo waliba in la darso xuquuqda shaqaalaha.
Qorshaan ay ku tallaabsanayso wasaaraddu ayaa haddii uu miro-dhalo wax badan ka taraya habka shaqaalaha Puntland, waxaana uu kor u qaadayaa xuquuqaad asaasiga ah ee shaqaalaha.
Labo bilood ka hor ayey ahayd markii wasaaradda shaqada iyo shaqaaluhu ay sheegtay in boqol-maalmood gudahood ay ku xaqiijinayso hab-u-soodka shaqooyinka hay’adaha dawladda, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa yoolka higsashada wasaaradda.
Cabdi Xasan Rooble ‘Awoowe’
Daljir Garoowe. http://daljir.com/
COMMENTS