HomeUncategorized

“Shabaabku waxay naga codsadeen inaan jidka u furno, si ay ugu gudbaan Puntland iyo Somaliland” Guddoomiyaha degmada Dhuusa-marreeb

Caption ...

Madaxwayne Faroole oo jeediyay khudbad muhiim ah balse aanan taaban qaddiyado muhiim ah oo laga filayay.
Xilliga ay Bilabanayaan Wadatashiga Hanaanka Doorashada Somalia ee sannadka 2016 oo lagu Dhawaaqay
3-qof ayaa ku dhimatay rasaas ay kooxo hubaysan ku fureen gaari rakaab ah,Gelinsoor, Mudug.

Dhuusa-marreeb, April, 25 – Guddoomiyaha degmada Dhuusa-marreeb Sh. C/raxmaan Cali ayaa waraysi uu saaka siiyey idaacadda Daljir ku sheegay in Shabaabku uu Ahlu-sunna ka codsaday inay wadada u furaan si ay ugu gudbaan Puntalnd iyo Somaliland, taas baddalkeedana aan ciidanka Shabaabku waxba yeeli doonin Ahlu-sunna Wal-jameeca.

Laakiin waxa uu sheegay guddoomiyuhu inaysan marna aqbali doonin codsigaasi oo ay u arkaan mid lagu khayaanayo, ayna taageero uga baahan yihiin Puntalnd iyo Somaliland.

Dhinaca kalena boqolaal ka tirsan ciidanka Ahlu-sunna ayaa gaaray magaalada Dhuusa-marreeb, ka dib markii ay magaaladaasi si fudud uga baxday gacantooda maalintii Sabtida, waxaana uu duddoomiyuhu arrintaan ku sifeeyey inaysan dhicin wixii dhacay Sabtidii.

Dhuusa-marreeb waa magaalo istiraaji ah oo ahmiyad gaar ah u leh dhinacayada isku haysta, waana taas tan keenta in marar badan Shabaabku weeraro.

Axmed Sh. Max’ed ‘Tallman’
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: