HomeUncategorized

Cutubyo ka tirsan ciidanka dawladda federalka oo la duldhigay Garba-haarrey iyo Baardheere Gedo.

Garba-haarrey, April, 25 - Ciidamo ka tirsan dawladda federalka ee Somaliya ayaa kulaalaya magaalooyinka Garba-haarrey iyo Baar-dheere oo kala ah xarunta koowaad iyo tan labaad ee gobolka Gedo, sida uu maanta idaacadda Daljir u sheegay goddoomiyaha gobolkaasi Cabdi Kaliil.

Ciidamada huwanta oo ka soo degay xeebta Kismaayo iyo dagaal cir, dhulka iyo badda oo bilowday
Dowladda Somaaliya oo ka hortimid odayaasha dhaqanka ee so xulaya xildhibaanada Jubbaland
Madaxweyne Gaas oo soo Dhaweyn Balaaran kala kulmay Madaxda Itoobiya

Ciidamo ka tirsan dawladda federalka ee Somaliya ayaa kulaalaya magaalooyinka Garba-haarrey iyo Baar-dheere oo kala ah xarunta koowaad iyo tan labaad ee gobolka Gedo, sida uu maanta idaacadda Daljir u sheegay goddoomiyaha gobolkaasi Cabdi Kaliil.

Guddoomiayaha ayaa sheegay in ciidanka dawladda oo ay weheliyaan kuwa Ahlu-sunna wal-jameeca ay saaka ka kale bexeen magaalooyinka Doolow iyo Baled-xaawo ayna hadda u jiraan 30KM oo qura magaalooyinka ay ku socdaan ee Baardheere iyo Garbahaarrey.

Isagoo ka hadlayey rajada uu ka qabo inay duullaankaasi ku guulaysanyaan ayuu sheegay in ciidanka saaka baxay dhawaan tababar loo soo xiray uuna ka qabo rajo fiican, isagoo ka duulaya xirfadda ciidamada.

Labadan magaalo oo ay hadda gacanta ku hayaan Al-shabaab ayaa muhiim u ah dhinac kasta, waxayna noqonaysaa in Shabaabku awooddii gobolka lumiyey haddii laga qabsado Garbahaarrey iyo Baardheere.

Maxamed Cabdi Xuseen ?Kuriya?
Daljir Bossaso

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: