HomeUncategorized

Afar ku dhimatay iyo siddeed ku dhaawacantay dagaal ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Luuq, April 23 - ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhimatay 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, ka dib markii ay ciidanka Al-shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidan oo halkaasi ku yaalla saqdii dhexe ee xalay.

Xassan Shiikh Maxamuud oo loo doortay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 4-ta sano ee soosocota.
Muqdisho: R/wasaare Gaas oo magacaabay xukuumad ka kooban 18 wasiir oo cusub.
DHEGEYSO-Warbixin kahadlaysa wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Galkacyo.

Luuq, April 23 – ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhimatay 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, ka dib markii ay ciidanka Al-shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidan oo halkaasi ku yaalla saqdii dhexe ee xalay.

Guddoomiyaha degmada Luuq ee dawladda federalka C/laahi Ibraahim Axmed oo u waramayey idaacadda Daljir saaka ayaa sheegay inay dileen ciidamada dawladdu afar ka tirsan Alshabaab, ayna qabteen siddeed kale
oo dhaawac ah oo hadda lagu dawaynayo goob caafimaad oo ku taalla magaaladaasi.

Waxa uu intaasi raaciyey guddoomiyuhu inaysan jirin habada yaraatee wax khasaare ah oo weerarkaas gaadbamada ah ka soo gaaray ciidanka dawladda, mana jiro wax war ah kasoo baxay Alshabaab oo lagu beeninayo ama lagu rumaynayo hadalka dawladda.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaanahanba ay gobolkaasi Gedo ee Waqooiga Galbeed ee Somaliya ku dagaalamayeen dawladda oo taageero ka helaysa Ahlu-sunna iyo Alshabaab.

Maxamed Cabdi Xuseen ?Kuriya?
Daljir, Bossaso

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: