HomeUncategorized

Baahin: Sabti, Apr 16, Weriye Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Sh. Ismaaciil X. Xuseen oo lagu dilay magaalada Galkacyo; mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay masjidka Salaax al diin; Duqa magaalada Galkacyo ayaan ka waraysanay … Mudaaharaad lagu taageeray natiijada shirkii Nairobi oo ka dhacay Bossaso; qaar ka mid ah bannaanbaxayaasha ayaa waraysanay … Nimcaan Brian William Bowden, nin dhallinyar oo hooyadi Somali tahay, u dhashay Britain, oo ku tabaalaysan Hargeysa; Nimcaan ayaan waraysanay … Warbixin ku saabsan safar hawleedkii wafti ka socda Puntland oo kormeeray dhulka ay abaaruhu saameeyeen ee gobollada Karkaar & Nugaal …

Caption ...

Al-shabaab oo Weerar Culus ku qaadday xero Ciidan oo ay Leedahay Dowladda Somalia
Ra’iisul wasaaraha dalka oo ku wajahan magaalada Baydhabo.
Baahin: Isniin, Nov 21, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Galkacyo. Madaafiic lagu tuuray madaarka Galkacyo; Puntland oo Galmudug ku eedaysay fal-dambiyeedka; Galmudug oo iska fogaysay eedda, sheegtayse in ay xaq ku leeyihiin madaarka; M/weyne Shariif oo sheegay in dawladiisu ay kaalin ka qaadan doonto dib u noolaynta fanka & fannaanka; Guddiga dastuurka ee baarlamaanka federaalka oo sharci darro lagu tilmaamay Guddi uu R/wasaare Gaas u magacaabay hirgelinta barnaamijka tubta nabadda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: