HomeUncategorized

Magaalada Galkacyo oo ay ka bilawdeen hawgallada la-dagaalanka burcad badeedda.

Galkacyo, Mar 25 - Ciidamada bilayska ee gobalka Mudug ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay ka wadeen Galkacyo ...

Maxkamada Isaanka midowga Yurub oo codsatay in aan la celin qaxooti Afrikaan oo ku sugan Malta
Baahin: Salaasa, Nov 15, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Galkacyo. Dagaal khasaare lixaad leh gaystay oo Muqdisho ku dhex maray Al-shabaab & AMISOM; Guddiga shirka Khaatumo II ee ka furmi doona Taleex oo la iclaamiyey; Puntland oo xirtay wariye u shaqeeya TV-ga Somali Channel; madaxda TV-ga oo xariga sharci darro ku tilmaamay.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Maanhadal oo looga hadlayo ammaanka Mudug iyo Qaraxyadii Galkacyo.

Galkacyo, Mar 25 – Iyada oo in dhawaale gobollada Puntland aad looga hadal hayay dedaallada dawlada Puntland ee ku salaysan la dagaalanka burcad badeeda berriga ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka bilawday hawgallo lagu ugaarsanayo Kooxaha burcad badeeda ah.

Ciidamada bilayska ee gobalka Mudug ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay ka wadeen magaalada Galkacyo hawgallo balaaran oo ay ku ururinayaan shaqsiyaadka lagu tirinayo in ay ku lug leeyihiin burcad badeednimada, waxayna ciidamadu gacanta ku soo dhigeen gawaari iyo dhallinyaro farabadan oo ay ku sheegeen in ay ka mid yihiin kooxaha burcad badeeda ah.

Badi dadka la xiray ayaa ciidamadu ka soo qabteen magaalada dhaxdeeda iyaga iyo gawaaridoodii, waxaase jira kuwo kale oo iyaguna laga soo qabtay meelo gaar ah oo ciidamadu ay hawgaladan ka fuliyeen.

Saraakiisha ciidamada bilayska ee gobalkan Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in hawgaladani ay yihiin kuwo lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeedda ah, islamarkaana ay noqon doonana kuwo joogta ah.

Wadooyinta magaalada iyo xaafadaha dhexdooda waxaad maanta lagu arkayey ciidamo aad u farabadan oo ku labisan dirayska ciidanka bilayska Puntland oo baaraya gawaarida, kuna xaraynaya dhamaan shaqsiyaadka iyo gawaarida lala xiriirinayo falalkan burcad badeednimada.

Hawgalladani waxaa ay yimaadeen xilli ay jiraan dadaalo dheeraad oo dawlada Puntland ay ku bixinayso la dagaalkan kooxaha burcda badeeda ah ee berriga gobollada Puntland.

Gobollada Puntland ayaa dhaca, dherer ahaan, xeebta dheer ee Somaliya, kulaalana badweyna Hindiya iyo Badda Cas, waana tan inta badan keenta in burcad badeeddu ay gabaad ka dhigtaan xeebaha fog ee ku teedsan gobollada Puntland ee dhaca dhinaca badda.

Cumar Axmed Maxamed
Daljir, Gaalkacyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: