HomeUncategorized

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Tacsi iyo taariikh-nololeedkii Xildhibaan Carrab-buro

Gaalkacyo, Mar 19 - Allaha u naxariistee waxa shalay (Jimce) ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo Xildhibaan C/llahi Khaliif Xaashi oo ku magac dheeraa Carrab-buro. Daljir waxa ay idiin soo gudbinaysaa tacsi loo dirayo ehelladii xildhibaanka iyo taariikh nololeedkiisii.

Tababarihi Xulka Kubadda Cagta ee gobolka Bari oo iscasilay
Madaxweynaha:Soomaaliya iyo Talyaaniga dhinacyo badan ayay iska kaashan karaan
Meleteriga huwanta oo maanta la wareegay maamulka degmada Mahaddaay ee shabeelaha dhexe

Gaalkacyo, Mar 19 – Allaha u naxariistee waxa shalay (Jimce) ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo Xildhibaan C/llahi Khaliif Xaashi oo ku magacdheeraa Carrab-buro.

Xildhibaanka ayaa isla shalay maydkiisa lagu aasay magaalada Gaalkaycyo oo ah halka uu ka soo jeedo. Xildhibaan Carab-buro waxa uu golaha wakiillada Puntland ka tirsanaa tan iyo asaaskeedii 1998-kii, waxana uu ka mid ahaa asaasayaashii dawladda Puntland.

Haddaba Radio Daljir waxa illaa iyo shalay soo gaarayay tacsi ay dirayaan mas’uuliyiinta dawladda, hoggaanka qaybahka kala duwan ee bulshada iyo shacabka guudba.

Radio Daljir waxa uu idiin soo gudbinayaa barnaamij gaar ah oo aannu dhagaystayaasha iyo ehellada xildhibaanka geeriyooday kula qaybsanayno tacsida laga diray geeridiisa iyo waliba taariikh nololeedkii xildhibaanka allaha u naxariistee.

Madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee Radio Daljir waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo shacabkii uu ka geeriyooday xildhibaan C/llahi Khaliif Xaashi.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0