HomeUncategorized

Mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dar Alle ugu geeriyooday Galkacyo.

Garowe, Mar 18 - Alle ha u naxariistee Xildhibaan C/llahi Khaliif Xaashi oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Galkacyo.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.
NUSOJ oo sharaxaad ka bixisay qodobada lagu mursan yahay ee xeerka saxaafada dalka (Dhegeyso)
Dowladda oo war kasoo saartay howlgaladii Jubbada dhexe kasocdey.

Garowe, Mar 18 – Alle ha u naxariistee Xildhibaan C/llahi Khaliif Xaashi oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Galkacyo.

Afhayeenka baarlamaanka Puntland C/rashiid M. Xirsi ayaa tacsi u diray ehelka, asxaabta iyo shacabka Puntland ee geerida Alle ee ku timid Md. C/llahi Khlaiif Xaashi.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in marxuumku uu ka tirsanaa golaha wakiilada ee Punland tan iyo aasaaskii dawlada Puntland, horena uu ula soo shaqeeyey dawladihii rayadka ahaa, iyo tii militariga ee Somaliya.

Marxuumku waxaa uu ahaa ganacsade, halka uu marna ka ahaa Guddoomiye ururkii SMDU ee ka mid ahaa ururadii siyaasadeed ee isku bahaystay dhismaha dawlada Puntland sannadkii 1998.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Cabdi Xasan Awoowe,
Daljir, Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: