HomeUncategorized

Maraykanka & QM oo ku gacansayray xil kororsiga golaha wakiilada federaalka ah ee Somaliya.

Nairobi, Feb 04 - Qoraalo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Maraykanka & xafiiska Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan Somaliya ayaa wax aan la

7 qof oo ku dhintay madaafiic ku dhacday suuqa Xamar-weyne, Muqdisho.
Madaxweyne Xasan oo Soo Dhaweeyay in Dib loo Fasaxay Xawaaladihii Somaalida ee Kenya
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi.

Nairobi, Feb 04 – Qoraalo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Maraykanka & xafiiska Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan Somaliya ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay go’aanka xil kororsiga ee mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Somaliya.

Qoraalka ka soo baxay safaarada Maraykanka ee Nairobi ayaa xusay in xil kororsigu uu meel ka dhac ku yahay ummadda Somaliyed, ayna dib u dhac ku tahay dhismaha dawlad sharci ah oo leh karti waxqabad.

Waxaa lagu dhaliilay mudanayaasha baarlamaanku in aanay gudan xilkooda, ayna ku guul daraysteen hirgelinta qorshihii dawlada ee bud-dhiga u ahaa heshiiskii Jabuuti ee 2009.

Waxaa loo soo jeediyey hoggaanka dawlada federaalku in uu dib uga fiirsado go’aanka daneed ee ay gaareen, ayna bilaabaan la tashi dhab ah oo ay la yeesheen saamileyda gobolka, iyo daneeyayaasha arrimaha Somaliya.

Dhinaca Qaramada Midoobay (QM), Dr. Mahiga, ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaliya oo isna qoraal ka soo saaray go’aanka baarlamaanka ayaa ku tilmaamay mid nasiib darro ah, lana gaaray iyada oo aan la samayn wax wadatashi ah oo ku salaysan sida ugu mudan ee looga gudbi karo xilliga kala-guurka ah, loona dejin lahaa qorshihii lagaga gudbi lahaa Ogoosto 2011, oo ah marka uu dhamaan doono xilliga dawlada federaalku.

Dr. Mahiga waxaa uu sheegay in uu wadatashi la samayn doono madaxda dawlada federaalka ah, kalana hadli doono wixii laga yeeli lahaa mustaqbalka dawlada federaalka ah.

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Somaliya ayaa shir ay shalay (Feb 03, 2011) yeesheen isku raacay xil kororsi saddex (3) sanno ah.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: