HomeUncategorized

“Tallaabada Somaliland qaaday gar darro caddaan ah weeyaan …xukunka ka soo baxay madaxtooyadu waa colaad hurin” Garaad C/llahi Cali Ciid.

Garowe, Feb 03 - Afhayeenka Issimada Puntland Garaad C/llahi Cali Ciid oo ka hadlay colaada iyo dhaqdhaqaaqyada dagaal ee ka socda gobolka Cayn ayaa

DHAGEYSO Saaka & Daljir, Wariye Jamaal Faarax Aaden
Golaha wasiirrada federaalka oo maanta shir aan caadi ahayn ku yeeshay Muqdisho, warbixin safareed dheerna ka dhagaystay R.wasaare Gaas, (War-saxaafadeed).
DF oo ka hadashay eedeyn la xiriirta doorashadii dalka oo ay QM u jeedisay Madaxweyne Xasan sheikh

Garowe, Feb 03 – Afhayeenka Issimada Puntland Garaad C/llahi Cali Ciid oo ka hadlay colaada iyo dhaqdhaqaaqyada dagaal ee ka socda gobolka Cayn ayaa ku tilmaamay tallaabooyinka iyo go’aamada ay gaartay Somaliland in ay yihiin gar darro caddaan ah, salkana ku haya colaad laga dhex hurinayo ardaayo ood-wadaag ah oo ku dagaalamay deegaanka Kalshaale ee gobolka Cayn.

Garaadku waxaa uu sheegay in aanay dani ugu jirin shacabka Somaliyed meel kasta ha joogaane colaad laga dhex huriyo, xil kastnimo xumana ay tahay in madaxda Somaliland ay dan bidaan dagaal.

Garaad C/llahi waxaa uu sheegay in arrintu ay leedahay daba-qabasho, wixii khasaare ee dhacay la xallili karo, ay suurtagal yahay in la baajiyo dagaal dhiig ku daato, laguna dedaalo in aad dhiig dambe daadan.

Waxaa uu ugu baaqay maamulka Somaliland in ay ka waantoobaan ku dhiirashada iyo afuufka, af iyo adinba, dhibaata aan jirin, dantooduna ay sidaa ku jirto.

Garaadku waxaa uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay iska-kaashadaan adkaynta amniga, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Maxamed C/llahi Kooshin,
Daljir, Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: