HomeUncategorized

J. Hoose oo 3-1 uga badisay xulka Sanaag iyo Baay oo 3-0 ku caraabisay xulka Galgaduud.

Garowe, Dec 25 - Waxaa maanta dhacay ciyaarihii ugu dambeeyey ee wareega 1-aad ee ciyaaraha gobollada Somaliya. Ciyaaro aad u xiisa badan ayaa dhex m

Baahin: Axad, May 01, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Warbixin ay QM ka soo saartay xaalada Somaliya; Prof. Maxamed Xareed Cali ayaan ka waraysanay … Taliyihii ciidanka AMISOM ee Somaliya ee la badelay oo la sagootiyey, taliyaha cusub oo la soo dhaweeyey; M/weyne Shariif oo ka hadlay … Shir lagu gorfeeyey isk-horimaadkii ka dhacay xaafada Garsoor oo ka dhacay madaxtooyada Galkayco … Maalinta shaqada & shaqaalaha aduunka oo laga xusayo Puntland; Indha-gurad, wasiirka shaqada & shaqaalaha ayaa ka waraysanay …
Barlamaanka Puntland oo Go’aamo ka soo saaray shirkii uga socday Garowe
DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Xariga ka jaray waddo Laami ah Gudaha Boosaaso

Garowe, Dec 25 – Waxaa maanta dhacay ciyaarihii ugu dambeeyey ee wareega 1-aad ee ciyaaraha gobollada Somaliya. Ciyaaro aad u xiisa badan ayaa dhex maray xulalka Sanaag v J. Hoose iyo Baay v Galgaduud ee kooxda D.

J. Hoose v Sanaag (3-1)

Ciyaarta 1-aad ayaa dhex martay xulalka J. Hoose & Sanaag. Ciyaarta oo ahayd mid aad u adag ayaa ku dhamaatay 3-1 oo ay guushu ku raacday xulka J. Hoose. Xulka J. Hoose ayaa u gudbay wareega 2-aad ee ciyaaraha, halka gobolka Sanaag ay ku hareen wareega 1-aad.

Baay v Galgaduud (3-0)

Ciyaarta 2-aad oo ahayd ciyaar hal dhinac, oo gebi ahaan ciyaartana ay ku gacan sareeyeen ciyaartoyda gobolka Baay, ayaa dhex martay xulalka Baay v Galgaduud.

Xulka Baay dhaliyey 3 gool oo xarago leh, abuurayna fursado kale oo ay ku garaaceen goolka Galgaduud.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday gobolka Baay. Xulka Baay ayaa u gudbay wareega 2-aad, halka xulka Galgaduud ay ku hareen wareega 1-aad ee ciyaaraha.

Berri oo bisha December ay tahay 26 ayaa waxaa bilaaban doona wareega 2-aad (Quarter finals) ee ciyaaraha gobollada Somaliya.

Gobollada u gudbay wareega 2-aad ayaa kala ah:

Koox A:
Nugaal, Hiiraan.

Koox B:
Mudug, Banaadir.

Koox C:
Bari, Sh. Dhexe.

Koox D:
J. Hoose, Baay.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: