HomeUncategorized

Tartan & Tacliin – tartanka dugsiyada sare ee xalay waxaa ku tartamay 2-da dugsi sare ee Gambool & Nugaal ee ku yaal Garowe.

Garowe, Sept 02 - Barnaamijka Tartan & Tacliin ee ay ku tartamaan dugsiyada sare ee Puntland ayaa waxaa xalay isku haleelay 2-da iskuul ee Gambool &

Nabaddoon Xasan Xuseen Walloore oo maanta lagu aasay Galkacyo.
C/gani Ismaaciil, xildhibaan hore uga tirsanaa baarlamaanka Puntland oo dhaliilay miisaaniyada dawlada ee 2009.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Arbaco_05

Garowe, Sept 02 – Barnaamijka Tartan & Tacliin ee ay ku tartamaan dugsiyada sare ee Puntland ayaa waxaa xalay isku haleelay 2-da iskuul ee Gambool & Nugaal ee labaduba ku yaal Garowe.

Tartan kulul dabadeed, waxaa ay guushu ku raacday dugsiga sare ee Nugaal, Garowe oo dhaliyey 9 dhibcood, una gudbay wareega finaalaha ee barnaamijka Tartan & Tacliin.

Dugsiga sare ee Gambool, Garowe ayaa ka jawaabay 3 su’aalood oo ka mid ah 8-dii su’aalood ee la weydiiyey, kana ka faa’iidaystay 1 su’aal, sidaasna uu ku helay 7 dhibcood.

Dugsiga sare ee Nugaal, Garowe ayaa ka jawaabay 4 su’aalood oo ka mid ah 8-dii su’aalood ee la weydiiyey, kana faa’iidaystay 1 su’aal, sidaasna ku helay 9 dhibcood, guushuna ay sidaa ku raacday.

Caawa ayaa waxaa barnaamijka isku haleeli doona dugsiyada sare ee Sh. Cismaan, Qardho & Al-waaxa, Garowe.

Sida caadada ah waxaa barnaamijka maareynayey madaxda idaacada Daljir, shirkada Golis iyo hay’ada ardayda Puntland ee PEN.

Diiwaanka Wararka,
Idadacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: