HomeUncategorized

Wacaal Daray ah: Guddoomiyaha gobolka Bari oo caawa ka badbaaday qarax lala beegsaday.

Bossaso, July 01 - Qarax aad u xoog badan oo la sheegey in uu yahay nooca sheedda laga hago ayaa goor dhawayd oo caawa ah lala beegsaday guddoomiyah

DHEGEYSO-Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo booqanaya G. Gedo.
M/weyne Faroole oo magacaabay 5 xubnood oo ka mid ah 9-ka xubnood ee Guddiga Doorashada Puntland.
Midawga Afrika oo berrito oo khamiis ah shir ku yeelanaya Addis-ababa, kana hadli doona abaaraha Geeska Afrika.

Bossaso, July 01 – Qarax aad u xoog badan oo la sheegey in uu yahay nooca sheedda laga hago ayaa goor dhawayd oo caawa ah lala beegsaday guddoomiyaha gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf, kaas oo ka badbaaday shirqoolka la maleegey.

Qaraxan oo laga wada maqlayay magaalada Boosaaso ayaa ka dhacay badhtamaha magaalada, mid ka mid ah ilaalada guddoomiyaha ayaana la sheegey in uu ku geeriyooday, sidoo kale laba ruux oo rayid ah ayaa iyana ay wararku sheegayaan in ay qaraxaas ku dhinteen, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Tan iyo imika ma jirto cid si rasmi ah loogu xidhay weerarkaas. Tiro qaraxyo ah oo hore uga dhacay Boosaaso ayaa sababay dhimashado iyo dhaawac, waxana xusid mudan in dilal abaabulan tan iyo dabayaaqada sannadkii hore lagu laayay tiro dad ah oo masuuliyiinna ay ka mid ahaayeen.

Madaxda Puntland ayaa in badan ka hadlay fal dambiyeedyadaas, ugu baaqay shacabku in ay dowladda kala shaqeeyaan dagaal ka dhan ah dambiileyaasha shirqoollada maleega.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0