HomeUncategorized

Kalfadhigii mudanayasha baarlamaanka federaalka ah oo maanta baaqday.

Muqdisho, Apr ? 18 Kalfadhigii golaha wakiilada Somaliya oo la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, arrintaasi oo aysan

Denmark oo 24 nin oo burcad-badeed Soomaali ah u gacan-gelinaysa Kenya si loogu maxkamadeeyo.
DHEGEYSO-Boobka lagu hayo agagaarka garoonka diyaaradaha Garoowe oo laga digey.
Shirkii wada-tashiga Somalida oo Kismaayo ka Furmay

Muqdisho, Apr ? 18 Kalfadhigii golaha wakiilada Somaliya oo la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, arrintaasi oo aysan jawaab waafi ah wali ka bixin guddoonka Barlamanku.

Waxaa la filayey inuu maanta shirku ka furmo xaruntii hore ee barlamaanka oo si buuxda loo dayactiray, ka dib markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamaanka Pro, Dalxa uu u sheegay idaacadda Daljir in wakhtigaasi loo qorsheeyay fadhiga baarlamanka.

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay idaacadda Daljir in sababta baaqashada shirku ay salka ku heyso khilaafka la xirrira guddoonka baarlamaanka oo qeyb ka mid ah xildhibaanada qabaan inay faramarooqsi ku joogaan.

Balse Pro, Dalxa ayaa wareysi uu dhawaan siiyey idaacadda Daljir ku sheegay in loo baahanyahay in xildhibaanada fikirkaas qaba ay tahay inay isweydiiyaan wakhtiga iyaga xilkoodu ku egyahay maadama ay meesha fadhiyaan shan sano iyo dheeraad.

Kulanka baarlamaanka ayaa furmaya 22-ka bishaan sida uu sheegay xildhibaanka magaciisa qariyey walina waxaa muqdisho ka socda shir arrintaasi lagu darsayo ay leeyihiin madaxda sare ee dawladda.

Axmed Sh, Maxamed Tallman
Idaacadda Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: