HomeUncategorized

Madaxweyne Faroole oo gaarey London isaga oo la filayo in uu Galkacyo yimaado. [Akhris …]

London, July 11 - Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa gaarey magaalada London ee xarunta dalka Britain isaga oo Madaxwey

Dhagayso Siyaasi Burhaan Cilmi: Roob la’aanta iyo dhibaatada dalka ka taagan waa cadaalad-darrada Puntland ka dhex-jira
DHEGEYSO-Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya oo shaqadii joojiyey.
DHEGEYSI-Sh Fu’aad Aflow oo farriin udiray maamulka iyo taliska booliska G Bari.

London, July 11 – Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa gaarey magaalada London ee xarunta dalka Britain isaga oo Madaxweynaha ka soo kicitimay dalka Mareykanka.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha oo ay ku jiraan qaar ka tirsan Golahiisa xukuumadda ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Caalamiga ah ee magaalada London qurbo joog Reer Puntland ah waxaana uu haatan kulammo kula leeyahay dadka Reer Puntland ee ku nool dalka Ingiriiska waxgaradkooda iyo Mas?uuliyiin.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa xaflad ballaadhan in maanta loogu qabto magaalada London isaga oo uga warbixin doono sida qorshaha ah qurba joogta xaaladda Rasmiga ah ee ka jira dalka Puntland, iyo sida ay gacan uga geysan karaan horumarka ka jira deegaannada Puntland in ay kala qeyb qaataan maamulka iyo dadka ku dhaqan gudaha dalka.

Madaxweyne Faroole ayaa lagu wadaa in uu soo gaaro bartamaha bishan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyada oo ay ku suganyihiin Wafdi uu hoggaaminayo Afhayeenka Golaha Wakiillada ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Waxaana lagu wadaa in uu ka qeyb qaato Madaxweyne Faroolle Sixidda hawlaha maamul iyo amni ee gobolka Mudug oo madaxweynaha xilligan diiradda si gaar ah ugu saaran.

C/Fataax Cumar Geeddi.
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: