HomeUncategorized

Roobabkii dayrta oo ka curtay gobollada Puntland.

Galkacyo, Sept 22- Roobabkii dayrta ayaa si siman uga curtay meelo badan oo ka mid ah deegaannada Puntland, gaar ahaan dhulka miyiga ah oo jiilaalka

Puntland oo sheegtay in ifafaale wanaagsan uu ka soo baxayo qoditaanka shidaal ee ceelka Shabeel I.
Wasiirka Waxbarashada Puntland oo gaarey magaalada Boosaaso.
Baahin: Isniin, Apr 18, Weriye Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Garaad C/llahi Cali Ciid oo ka dayriyey mustaqbalka Somalida, uguna baaqay reer Mudug in ay amniga dhawraan … Nabadoon Afgaduud oo ka hadlay dilalka & weerarada ka dhacay Galkacyo, kuna baaqay is-kaashi … Axmed Cali Faarax oo aan ka waraysanay samaynta abaaraha ee gobollada Sool & Cayn … Indha-guran, wasiirka shaqada & shaqaalaha ee Puntland oo ka xog warramay safar uu kaga soo laabtay dalka dibadiisa …

Galkacyo, Sept 22- Roobabkii dayrta ayaa si siman uga curtay meelo badan oo ka mid ah deegaannada Puntland, gaar ahaan dhulka miyiga ah oo jiilaalka ugu ba?ani ka taagnaa.

Roobabka oo hadda cuntay ayaa si teel-teel ah uga da?ay, inta badan gobollada iyo degmooyinka Puntland, iyo sidoo kala dhulka xoolo daaqeenka ah oo in badan xaaladdiisa nololeed laga soo darinayey.

Gobolka Mudug oo ka mid ahaa gobollada xaaladda abaareed ee xooggan ka jirtay ayaa la sheegayaa deegaanno badan oo ka tirsan in ay ka hooreen roobab aan badnayd, kuwaasi oo dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen isla markaana miyo galiyey baraagaha qaar iyo meelaha biyo qabatinta leh.

Gobollada Nugaal, Sanaag, Bari iyo Cayn, ayaa iyana laga soo sheegayaa deegaanno badaan oo ka mid ah in ay roobabku ka da?een.

Xilli roobaadka dayrta ee hadda ka soo cusboonaaday deegaannada Puntland, ayaa ku soo beegmaya xilli abaaro xooggan oo dadka iyo duunyaba saamaysay ay ka jirtay dhammaan deegaannada hoos yimaada maamulka Puntland.

Waxaana maalmihii ugu danbeeyey isi soo taraysay qaylo-dhaan ballaaran oo ku aaddan xaaladda biyo iyo baad-la?aaneed ee ka taagan dhulka miyiga ah, taas oo lagu dalbanayo in gar-gaar deg deg ah lala gaaro dadka iyo duunyada abaaruhu ku habsadeen.

Inkastoo dhammaan Puntland oo dhan ay abaaruhu ka jireen misna deegaannada qaar waxay qarka u saarnaayeen xooluhu in ay dadka farahooda ka martaan, waxaana sidoo kale laga shaki qabay nolosha dadka haddii ay xooluhu dhammaadaan.

Meelaha ay haatan roobabku ka da?een, waxaa laga dareemayaa xaalad daganaansho oo xagga nolosha ah waxaana deegaannadaasi roobabku qabteen ku soo hayaabay reer guuraa badan oo ka soo hayaamaya dhulka abaarta ah ee ay roobabka bilowga ahi ay seejiyeen.

C/fitaax Cumar Geeddi?
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: