HomeUncategorized

Barlamaanka Puntland oo baaq nabadeed u diray beelo dhawaan ku dagaalmay gobolka Bari. [Akhris …]

Garowe, Aug 11 - Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Puntland ayaa shir ay isugu yimaadeen xarunta ay ku shiraan ee magaalada Garoowe waxa ay ugu

DHEGEYSO-Kulan looga hadlayey ammaanka iyo hanaanka caddaaladeed oo Galkacyo kadhacay.
Baahin: Arbaca, Aug 10, Weriye Madar ~ Daljir ~ Bossaso. 19 maxbuus oo ay ka mid yihiin madaxda gobolka Sool ee Somaliland oo la keenay Garowe; R/wasaare Gaar & Amb. Mahiga oo shir ka yeeshay is-badellada siyaasadeed & amni ee Somaliya; Xubno ka tirsan dawlada Puntland & ciidanka Maxamed S. Atam oo kulamo ku yeeshay gobolka Haylaan; Axmed X. Doonyaale, la-taliyaha M/weyne Faroole ee amniga ayaan ka waraysanay.
Baahin: Axad, Nov 06, Weriye Jaamac C/raxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. Caalamka Islaamka oo maanta laga xusayo munaasabada Ciid al adhxa; Iska-horimaad hubaysan oo sababay khasaare dhimasho & dhaawac leh oo ka dhacay Ceerigaabo, Sanaag; Diblamaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda ee dawlada federaalka oo tababar uga furmay Dubai.

Garowe, Aug 11 – Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Puntland ayaa shir ay isugu yimaadeen xarunta ay ku shiraan ee magaalada Garoowe waxa ay ugu baaqay beelo dhawaan ku dagaalamay meel aan ka fogeyn magaalada Ufeyn ee gobolka Bari.

Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka oo baaqaasi ka dib wareysi siiyey idaacadda Daljir ayaa sheegey inay heleen warar sheegaya in leysu hub aruursanayo, taasina ay tahay nasiibdarro soo wajahday Puntland.

Salaad Xareed Cali ayaa ku booriyey dadka aqliga u saaxiibka ah inaysan gabin kaalintooda arrintaas ku aadan , waxaana uu intaasi sii raaciyey in lagu quusqaato wixii ka dhacay Somaliya ee ay sababeen dagaaladii sokeeya loona arko dadka hadda arintaasi u durbaan tuma wax magarad mudan in la qabto.

Waxaa uu ka codsaday waxgaradka iyo dawladda Puntland inay ka qeybqaataan ka hortagidda arintaasi isagoo xiganaya maahmaahda oreyneysa balaayo horey la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto ma leh.

Magaalada Ufeyn oo dhinaca koonfur bari ka began magaalada Bossaso ayaa waxaa ka dhacay dagaallo soo noqnoqday oo u dhexeeya beelo halkaasi wada daga, kuwaasi oo salka ku haya muran dhuleed.

Axmed Sheekh ‘Tallman’
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: