Ahlusuna oo ka Digtey in la Siyaasadeeyo Wada Hadalada Galmudug

HomeWararka

Ahlusuna oo ka Digtey in la Siyaasadeeyo Wada Hadalada Galmudug

Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee ka arrimiya qaybo kamid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka digey in la siyaasadeeyo wadahadala lagu doonayo in la

Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Shiikh Mohammed Bin Zayed Al Nahyan
Wasiirka dhalinyarada iyo caayaraha Puntland oo Buhoodle ku sugan (dhegayso)

Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee ka arrimiya qaybo kamid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka digey in la siyaasadeeyo wadahadala lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo Galmudug iyo maamulka uu hogaamiyo Sheekh Shaakir.

Afhayeenka Ahlusunna Mursal Yuusuf  Xeefow ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay miiska wada hadalka la fariistaan Maamulka Galmudug isla markaana hal dhican loo wajaho siyaadda Galmudug.

Mudane Xeefow ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in ay doonayaan in la sameeyo maamul loo wada dhan yahay oo ka hir gala deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Maamulka Galmudug oo ka arrimiya koonfurta Mudug deegaamo kamid ah iyo gobolka Galgaduud qaarkiis ayaa baajisay qorshe ay ku doonaysay inay maanta oo taariikhda ku beegan tahay 10 bisha April ay ku doorato Madaxweyne.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: